lørdag, april 20, 2024

SSB: 5000 qof soomaali ah ayaa sanadkii 2015 ka qeybqaatey barashada luuqada

Laanta tirakoobka ee SSB(Statisk sentralByrå), ayaa soo saartey tirokoob sheegaya tirada dadka sanadkii ina soo dhaafey ee 2015, ka qeybqaatey barashada luuqada norwiiniga iyo cilmiga bulshada.

Tirakoobkan ay SSB soo saartey ayaa lagu sheegay, in guud ahaan ay dad gaarayo 37 100 ay sanadkii tagey ka qeybqaateen barashada luuqada iyo cilmiga bulshada. Tiradaas oo ah mid 2% ka badan tirada dadkii ka qeybqaatey barashada luuqada sanadkii 2014.

Eritrea(7300 qof), Somalia(5000 qof) iyo Siiriya(4500 qof) ayeyna ka yimaadeen dadka ugu badan ee sanadkii hore ka qeybqaatey barashada luuqada norwiijiga iyo maadooyinka cilmiga bulshada. Dadka sadexdan wadan ka yimid ayaa ah, 45% dadka luuqada baranayey sanadkii hore ee 2015.

Dadka ka yimid wadanka Siiriya ee barta luuqada ayaa waxaa ku yimid sara kac aad u weyn. Sanadkii 2014 waxaa luuqada barashada ka qeybqaatey 2300 qof oo siiriya ka yimid, halkan sanadkii 2015 ay tiradu noqotey 4500. Waxaana ku yimid sare laba jibaar ah. Sidoo kale dadka ka yimid wadanka Eritrea ee barta luuqada, ayaa waxaa ku darsoomey 1300 qof.

Dhanka kale dadka ka yimid Soomaaliya ee ka qeybqaatey barashada luuqada sanadkii 2015, ayaa waxaa ku yimid hoos u dhac gaaraya 12%.

Xigasho/kilde: SSB.NO

[adsenseyu2]

 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x