Siyaasi dilka Yacquub Abdullahi hadal cunsurinimo ah ka yiri oo boolisku ay baaritaan ku sameynayaan

0
163

Siyaasi Noorwiijiyaan ah ayaa lagu soo eedeeyey hadalo naceyb ah, kadib markii uu marxuum Yacquub Abdullahi Hassan ku tilmaamey, inuu mustaqbalka noqon lahaa argagaxiye.

Svein Åge Godtlund oo ah musharaxa 11-aad ee xisbiga Demoqraadiga Gobolka Hedmark u matalaya doorashada baarlamaanka Norway, ayaa kusoo daabacay bartiisa Facebooka in dhimashada Yacquub ay aheyd mid aan micno laheyn, maadaama uu sheegay inuu mustaqabalka noqon lahaa argagixiso. Waxaana dhanka kale uu qirey inuu ka xunyahay in isku mar lala dilay Tone Ilebekk, oo aheyd haweeneydii norwiijiyaanka aheyd ee lala dilay Yacquub. 

Qareen u hadlay Booliska Norway ayaa hadalkaas ku tilmaamay inuu noqon karo faldambiyeed naceyb ah,  hadii ninkan lagu helo inuu jabiyey qodobka 185-aad ee dastuurka Norway, xeerka ciqaabta hadalka ku saleysan naceybka.

Xisbiga uu ninkan katirsanyahay oo ah xisbi yar oo midigta fog ah(xag-jiriin), ayaa jawaab-celin ka bixiyey hadalkan kasoo yeeray ninkan ka tirsan xisbigooda, iyaga oo sheegay in xisbigooda uusan aheyn xisbi cunsuri, laakiin hadalada ninkan kasoo yeeray ay yihiin kuwo laga dheehan karo cunsurino. 

Siyaasiyigan ayaa waxaa ku socdo baaritaan, waxeyna boolisku qaadeen talaabooyin bilow ah. Sidoo kale ninkan ayaa iska casilay jagada musharaxnimada baarlamaanka ee xisbigiisa, iyada oo xisbigiisu ay sheegeen iney soo dooran doonaan qofkii badali lahaa. Waxeyna xisbigu sheegeen in hadii ninkan uusan is casili llahey, ay xisbiga cod uga saari lahaayeen.

Siyaasiygan kontomeeyo jirka ayaa Wargeyska Lokalka ah ee Glåmdalen u sheegay iney haboonaan laheyd inuu ka fiirsado hadaladaas uu ku qorey bartiisa facebooka. Wuxuuna sheegay inuu hada ka tirtiray hadalkaas facebooga.

Xigasho/kilde: NRK

Mahad gaar ah: Mohamed Abdulkadir Dahir

[adsenseyu2]

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments