Laga bilaabo kowda bisha januar 2017, qaar kamid xafiisyada hey´ada Nav, ayaa bilaabi doono dhaqan galinta xeer cusub oo ku saabsan dhalinyarada qaatada lacagta ceyrta ah (sosialhjelp), da´dooduna ay ka yartahay da´da 30-ka sano.

Sharcigan cusub ayaa sheegayo in dhalinyarada kayar da´daas ee qaata lacagta ceryta, iney ka soo qayb galaan holwo aktivititet ah oo xafiisyada Nav abaabuli doonaan, hadii kalena laga dhimi doono lacagta ay qaataan, ama ugu danbeyn laga jari karo, ayada oo hadba loo eegayo kasoo qeybgalka qofka ee akvitetyadaas(howlahaas shaqo).

Ujeedada ugu weyn ee laga leeyahay xeerkan cusub ayaa ah in qofka dhalinyarada ah ee kayar da´da sodonka, uusan fadhiga iyo jiifka sariirta korkeeda ku qaadan lacagta ceyrta ah, balse aroortii hore uu iska soo xaadiriyo xafiiska NAV, si loogu diro howl-maalmeed. 

Sanadkii hore ayay dowladu sheegtay iney hey´ada NAV siisay, lacag dhan lix bilyan NOK oo loo bixiyay ceyr ahaan. Iyada dad gaarayo 127,000 qof ay kunool yihiin lacagta kaalmada dadweynaha ee ceryta.

Sidoo kale waxaa la sheegaya in mid kamid ah afartii qofba(1/4) ee dadka qaata lacagta certa, ay da´doodu ka hooseyso 30 sano. Waxayna taas muujinaysa inay aad u soo badanayaan da’yarta qaata lacagta cayrta ah, aan shaqo tagin ama aan rabinba inay shaqeeyaan. Waxaana ay Nav sheegtay in celcelis ahaan ay qofkiiba siiyaan bishii lacag dhan 9.000 kr oo ceyr ah.

Xeerkan cusub ayaa soo baxay ka dib markii la ogaaday in 6% dadka ceryta qaato, aysanba waligoodba imaanin xafiiska NAV . Waxeyna taas ka dhigantahay inaysan ka faa’iidaysan aktivitetyada ay Nav bixiso, si dadka ceryta qaata ay shaqo u heli lahaayeen ama xal kale loola raadin lahaa.

Eva Karin oo mudo ku dhow 11 sano kabadan ka shaqaynaysay xafiiska NAV, xaafada Fana ee magaalada Bergen, ayaa sheegtay inay shaqada ay qabtaan ay kamid tahay iney dadka ka caawiyaan sidii ay shaqo ula raadin lahaayeen iyo ama ay ula dhisi lahayeen qorshayaal kale oo qofka u sahla inuu shaqo helo.

Waxayna raacisay in 22% dadkii sanadkii hore ka qeybgalay aktivitetyada NAV ay hada leheen shaqo,  sidoo kalana 16% ay heleen goob praksis shaqo oo ay kamid yihiin shirkado waaweyn. Waxeyna sidoo kale sheegtay in marka laga tusaalo qaato natiijooyinkaas ay rajo-weyn ka qabaan in sharcigan cusub uu dhalinyarada u sahli doono iney shaqo ama goob tababar-shaqo(praksis) ay helaan.

Wasiirka shaqada iyo arimaha bulshada Morten Bakke (H), ayaa sheegay inay xooga saari doonaan sidii da’yarta cayrta qaata guryaha looga saari lahaa, ayna ku dadaali doonaan sidii loogu sameyn lahaa qorsheyaal u fududeeyo iney suuqa shaqada iyo bulshadaba ka dhex muuqdaan.

Sharcigan cusub ayaa mar horeba lagu tijaabiyay xafiisyada NAV ee magaalooyin dhowr ah, wuxuuna u muuqdaa mid shaqeeyay. 18% ilaa 24% ayey hoos u dhacday tirada da´yarta ceryta qaata kadib markii xeerkan cusub lagu soo rogay dhalinyarada da´doodu ay kayartahay 30-ka kunool kaalmada dowlada. Magaalooyinka Drammen iyo Fredrikstad oo sharcigan horey looga dhaqangaliyay, ayaa tirada dhalinyarada ceryta qaadata, waxey hoos u dhacday 30%. 

Xigash/kilde: Nrk.no

 

legg igjen kommentar/ ka dhiibo fikirkaaga

Bli den første som kommenterer/dhiibo fikirkaaga

Notify of
avatar
wpDiscuz