FOTO: ASCHEHOUG

Safia Abdi Haase oo kamid ah haweenka soomaaliyeed ee ugu magaca dheer wadankan, ayaa ka soo dhex muuqatay buuga «Alt for Norge». Buugaas oo ah mid looga hadlayo sanad-guurada 25-aad ee boqorka iyo boqorada wadankan Norway. 

Safia Abdi Haase oo horey ugu guuleysatay bilado dhowr ah oo ay kamid tahay bilad uu bixiyo boqorka dalka Norway, ayaa waxaa laga codsadey inay qoraal ku saabsan waayaheeda nololeed uga qaybgasho buugan. Waxeyna Safiyo qoraalka ay uga qeybgashay buugan cinwaan uga dhigtey(Æ, Safia Abdi Haase e ekte harstadværing. Nu bor æ i Halden).

Waxay intaas kadib qoraalkeedii kusii xijisay, warbixin ay uga hadleyso waayo arag-nimadeeda nololeed, tan iyo markii ay ka soo guurtay Soomaalya ilaa Harstad oo ay mudo degeneyd. Sidoo kale waxey ku xustay ka shaqaynteedii la dagaalanka gudniinka fircooniga gabdhaha yar-yar iyo isdhexgalka bulshada.

Anne Egner oo ah gudoomiyaha gobolka Østfold ayaa ku amaanay Safiya inay wax la taaban karo ka samaysay gobolka Østfold iyo sida ay uga qeybqaadatay isdhexgalka iyo isu soo dhaweynta bulshada.  

Buuga «Alt for Norge» ayaa waxuu ka kooban yahay qoraal laga soo aruuriyay guud ahaan dalka Norway. Hordhaca ugu horeeyana waxaa qoray boqorka iyo boqorada.

Xigasho/kilde: Harstad-Tidende.no 

 

legg igjen kommentar/ ka dhiibo fikirkaaga

Bli den første som kommenterer/dhiibo fikirkaaga

Notify of
avatar
wpDiscuz