Rasmi: Per Willy Amundsen oo galabta loo magacaabay wasiirka dastuurta iyo amniga Norway

0
146
Foto: Håkon Steinmo

Reysulwasaaraha wadankan Norway Erna Solberg, ayaa galabta saxaafada usoo bandhigtey sadex wasiir oo kusoo biiray golaha wasiirada ee dowlada ay hogaamiso. Waxaana sadexda wasiir ee cusub ay kala yihiin Per willy Amundsen( FRP, wasiirka Dastuurka iyo amniga), Frank Bakke-Jensen(Høyre, wasiirka EØS iyo EU), Terje Søviknes (Frp, wasiirka shidaalka iyo tamarta).

 Per Willy Amundsen oo ka tirsan xisbiga FRP, horeyna caan ugu ahaan jiray inuu aad uga soo horjeedo soo galootiga iyo dadka magangalyo-doonka ah, ayaa hada si rasmi ah ula wareegay shaqada wasaarada amniga iyo dastuurka dalkan Norway. Waxaana wasaaradaas hoos tago oo ay maamushaa hey´ado waaweyn oo saameyn baraalan ku leh dadka soo galootiga ah, sida UDI, UNE, Landinfo. 

[adsenseyu2]

Sidoo kale waxaa wadashaqeyn dhow ay ka dhaxeysaa wasaarada arimaha soo galootiga isdhexgalka bulshada oo ay wasiirad ka tahay Sylvi Listhaug iyo wasaarada amniga iyo dastuurka. Taas oo ka dhigan in labada wasaaradood ee saameynta ugu balaaran ku leh arimaha soo galootiga iyo magangalyo doonka Norway, ay maamuli doonaan labo wasiir oo kamid ah kuwa ugu mayalka adag xisbiga FRP. 

Saxaafada Norway ayaa maalmihii ugu danbeeyay aad u hadalheysay, magacaabista Per Willy Amundsen loo magacaabayo wasaarada dastuurka dalkan Norway. Waxeyna soo qaateen ereyo uu ninkan horey ugu qorey baraha bulshada oo muujineyso inuu aad uga soo horjeedo dadka soo galootiga ah ee Norway ay magangaylada siineyso. Wuxuuna marar badan sheegay inuu rabo iney Norway ka baxdo heshiiska fududeynta isdhexmarka dalalka loo yaqaano Schengen. Waxaana sidoo kale laga hayaa hadal ah inuu yiri: Hadii ay sidaan wax ku socdaan, waxey dadka norwiijiga dhaladka ah, minority ku noqon doonaan caasimada Oslo. 

Per willy Amundsen oo markii la magacaabay kadib saxaafada la hadley, ayaa sheegay inuu wasiir u noqon doono dadka Norway ku dhaqan oo dhan. Isaga sheegay inuu rajeynayo dadku ku xukmin doonaan, howsha uu qabto marka uu xilka la wareego kadib, oo aan lagu qaban hadalo uu dhahay sanado kahor. Per Amundsen ayaa sidoo kale qirtay in waagii uu mucaaradka ahaa uu baraha bulshada kusoo qorey hadalo qalafsan oo caro dhalin karey, sidaas darteedna ay jiri karaan dad isaga sawir qaldan ka aaminsan. 

VG ayaa wasiirkan cusub wax ka weydiisay hadaladii uu horey ugu qori jiray baraha bulshada, laakiin wuu diidey inuu ka jawaabo ama comment ka bixiyo. 

Venstre iyo KRF oo kala aragti noqday:

Trine Skei Grande oo ah gudoomiyaha xisbiga Venstre oo ah mid kamid ah labada xisbi ee dowlada bahwadaagta kula ah Høyre iyo FRP, ayaa sheegtay in talaabada magacaabista Erna Solberg ay wasiirka ugu magacowday Per Willy Amundsen, ay sii fogeyneyso xiriirka sii xumaanaya ee u dhaxeeyo xisbiyada dhanka midigta. Iyada oo sheegtay in dowlada Erna Solberg ay usii jiidmeyso dhinaca midigta, taas ay caqabad ku noqon doonto wada shaqeyntooda. 

Gudoomiyaha xisbiga KRF knut Arild ayaa isagu dhankiisa sheegay iney mudantahay in jaanis iyo fursad la siiyo wasiiradan cusub oo aan laga hordhicin. Kadibna lagu xukmiyo shaqada ay qabtaan. 

Xigasho/kilde: NRK, VG, Aftenposten

[adsenseyu2]

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments