Muslim badan oo Norwajiyaan ah ayaan iibsanin guryo deynta lagu qaato, sababtoo ah diinta islaamka ayaan ogalayn inuu qofku qaato deyn ribo la socoto. Arintaasna waxay keentey inay muslimiin badan ay dhibaato kala kulmeen, inay guryo ay iyagu leeyahiin helaan. Waxay taas  ka hor istaageysaa inay bulshada Norwajiyaanka ay dhexgalaan ayuu yiri cilmi-baare Torkel Brekke.

Diinta islaamku si aad u adag ayay u mamnuucdey in la qaato guryo deyn ah , taas waxay bulshada Islaamka ka xanibaysaa is-dhexgalka dhaqaale ee Norway, sababtoo ah lahaanshaha guri kuu gaar ah, aad ayay muhiim u tahay wadankan. Hadii qofku uu rabo inuu abuurto dhaqaale uu isagu leeyahay, ayuu sheegay hogaamiyaha mashruuca Civita Professor Torkel Brekke.

Professor Torker Brekke oo tirisan machadka cilmi baarista ee nabadda(Fredsforskningsinstituttet) ayaa sheegay inuu aad uga walwalsan yahay xaalada guryahay kirada ah oo kor usii kacaayo, waxayna taas keeni karta xasilooni daro dhanka degaanshaha ah oo ku imaankarto bulshada muslimka ah.

Brekke ayaa isagoo kaashanaayo ha’ada Finansmarkedsfondet sameeyay war baxin uu ugu magac daray maaliyada Islaamiga ah ee Norway «Islamsk finans i Norge», kuna ku soo bandhigey baahida dhaqaale ee islaamka Norway.

Hay’ada kormeerta maaliyad Norway(finanstilsynet),ayaa u sheegtay Jaaridka Vårt Land, waa in sharci hadda jira ee ku saabsan hay’adaha maaliyadeed ee shisheeye wax laga badalaa, si dadka islaamka ay u helaan adeegyo lacageed oo aan ka hor imaanayn diintooda.

Baadhitaan uu su’aale ku waydiinaayay dad muslim ah intii ay warbaxin diyaarinayeen ayay waxay ku ogaadeen in 10-kii qofba sagaal ka mid ah(9/10) ay sheegen inay ku dhib qaban in Norway guryaha deynta ah, maadaama aysan  islaamku uusan ogoleyn arintaas. Waxay sidoo kale ogaadeen in 10 kii qofma sideed ka mid ah ay diyaar u yahiin inay baxiyaan lacag dheeri hadii aysan ribo ku jirin.

Waxuu kaloo sheegay in muslim Norway ay kala duwan yahiin, waxaa jiro qaybo ka mid ah oo guryo iibsadey iyo qaarkaloo ku adeg sharciga islaamiga ah, rabana sida quraanka waafaqsan.

Dhanka kale bankiga weyn ee DNB ayaa sheegay ineysan jirin wax diidaya dhaqaale ahaan in dadka muslimiinta la siiyo deyn ku dhisan nidaamka maaliyada islaamliga, si loogu fududeeyo iney guryo gataan. Wuxuuna sheegay in arintaas ay kaga doodi doonaan qorshayaal-sanadeedka soo socdo. 

Xigasho/kilde: Dagbladet.no

legg igjen kommentar/ ka dhiibo fikirkaaga

Bli den første som kommenterer/dhiibo fikirkaaga

Notify of
avatar
wpDiscuz