Saddex nin oo Roomaniyaan ah ayaa muddo ku dhow hal sano looga shakisanaa inay Pinkodaha kaarka bankigayada ka xadi jireen magaalada Oslo ayaa boolisku gacanta ku soo dhigeen.

Habeenimadii Arbacada ayaa booliska qabteen saddexdan nin oo ilaa bishii november sanadkii hore ay boolisku baadi goobayeen. Nimankan ayaa markii ay boolisku gacanta ku dhigeen haystay lacag dhan 45.000 krone oo cadaan ah.

Saddexdan nin ayaa dadka ka xadi jiray pinkodaha kaarka bankiga, xiliga ay dadku dukaamada ka adeeganayaan iyo markey lacagta kala baxayaan Minibankiyada, Iyagoona inta usoo dhowaada qofka ka eegi jiray dusha sare, sidaasna kaga xadi jiray Pinkodaha kaarka bankiga.

Booliska ayaa sheegay in dadka ugu badan ee ay bartilmaamaysan jireen ay ahayeen dadka waayeelka ah. Sababtoo ah badanaa lacagta kash ayay kala baxaan minibankiyada ka hor inta aysan dukaamada galin. Waxayna kaga faaidaystaan tabar yarida iyo sidoo kale in ay badankooda gariiraan markay lacagta la baxayaan, sidaas dardeedna ay sahal ugu noqotay inay ka xadaan Pinkodaha, ayuu sheegay Kvassheim oo ah sargaal ka tirsan booliska.

Tuugadan ayaa sidoo kale ka faaiidaysan jiray xiliga ciida kirismaska lagu gudo jiro. Dukaamada iyo sentarada magaladana ay aad u mashquul badan yahiin, ayna adag tahay in la kala garto kan wax xadaayo iyo kan wax iibsanaayo.

Xigasho/kilde: TV2.no

 

 

 

 

legg igjen kommentar/ ka dhiibo fikirkaaga

Bli den første som kommenterer/dhiibo fikirkaaga

Notify of
avatar
wpDiscuz