NTB: ilaa 500 qof oo UDI-du ay qiimeyn ku sameyn doonto sharciyadood dhalashada wadanka.

Wargeyska Nettavisen oo soo xiganayo wakaalada wararka wadankan Norway ee NTB, ayaa qorayo in laanta socdaalka ee UDI-du ay dib u qiimeyn ku sameyn doonto sharciyada dhalashada wadanka ee ku dhawaad 500 qof oo laga shakisanyahay iney bixiyeen macluumaad aqoonsi oo aan sax aheyn. 

Wasiirada arimaha soo galootiga dowlada Norway ayaa sheegtay in ilaa hada aysan sheegi karin tirada rasmiga ah ee dadka ay saameynta ku yeelan doonto go´aankan cusub ee dib u qiimeyna sharciyada dhalashada. 

Listhaug ayaa sheegtay in 135 qof lagala noqday sharciga dhalashada wadanka, afartii sano ee ugu danbeysay. Sanadkan aan kujirno sharciga ay kala noqdeen dad kor u dhaafayo 60 qof. 

Waxey dhanka kale raacisay in sagaal qof oo kaliya oo dadkaas kamid ah, dib loogu celiyay wadankoodii, ayna dhici karto in qaar badan oo iyaga kamid ah ay wadanka ka baxeen iyaga oo aan dowlada soo ogeysiin. Waxeyna sheegtay in sidaas darteed ay adagtay in la cadeeyo tirada rasmiga ah ee dadka sharciga weyn lagala noqday ee Norrway wali ku sii sugan.

Listhaug ma sheegin wadamada ay asal ahaan kasoo jeedaan dadkaas ay UDI-du sheegtay iney dib u qiimeyn ku sameyn doonto sharcigooda dhalashada wadanka. Laakiin wareysi uu bilo kahor bixiyay madaxa laanta socdaalka Frode Forfang, ayuu ku sheegay in dadka ugu badan ee ka been sheega dhalashadooda ay ka yimaadeen wadamada Soomaaliya iyo Falastiin. Halkan ka akhri warkaas

Bilowgii sanadkan ayey wasaarada arimaha soo galootiga oo listhaug ay wasiirada ka tahay, UDI-da siisay lacag dhan 177 milyan ah oo taas la sheegay iney ku isticmaali doonto ka daba-tagista dadka looga shakisanyahay iney ka been sheegeen macluumaadka aqoonsiga dhalashadooda. 

Ha wareegto giraantu:

Dad badan oo soomaali ah ayaa aaminsanaa in dib u qiimeynta sharciyadu ay ku ekaan doonaan dadka wadanka ku cusub ee aan wali qaadan sharciga degenaanshaha ama dhalashada wadanka, laakiin wuxuu warkan maanta Listhaug kasoo yeeray, cadeyn u yahay in dowlada hada jirto iyo FRP ay meel walba farta galin doonaan. 

 Xigasho/kilde: Nettavisen, NTB

[adsenseyu2]

legg igjen kommentar/ ka dhiibo fikirkaaga

avatar
  Subscribe  
Notify of