Bishii november ayay soo shaac baxdey warbixin sheegaya, in shaqaalaha Navta ay si sharci daro ah u aqristaan warbaxinada dadka kale, iyagoon ogalaansho u haysan. Dad badan oo arintaas aad uga xun, ayaa xariir la sameeyay warbaahinta NRK si wax looga qabto.

Qaar kamid ah dadkan ayaa ka andacoonaya in shaqaalaha Nav ay iska galaan, aqristaana waxbintooda qaaska ah si sharci daro ah. Qaar kale ayaa iyaguna sheegay in xaaskoodii ama saygoodii hore oo ka mid ah shaqalaha Navta, ay sidey rabaan u aqrisan karaan macluumadkooda. Waxana sidoo kale soo badanayo dadka shakiga qaba oo la soo xariirey xurunta dhexe ee Navta, iyagoona waydiinaayo in lasoo booqdey macluumaadkooda iyo waliba codsiyadooda.

Hadii aad ka shakido in warbaxintaada iyo dhamaan macluumadkaga Navta wax laga badaley ama si sharci daro ah loo booqdey, waxaad la xariiri kartaan xurunta Navta ee degaankaga ama xurunta dhexe.

Qof walba oo ka mid Shaqaalaha navta, waxay ku galaan systemka kombutarada ee navta magacooda iyo passwer u gaar ah, taasina waxay sahlaysaa ina dib loo raaco, iyadoona la dabagali karo macluumaadkii ay aqristeen iyo saacada la booqdey.

Torbjørn Larsen oo ah agaasimaha qaybta Teknoolijada(IT), ayaa sheegay inay wax ka qaban doonaan cabashadan dadka, isaga oo sheegay inay wadaan baarintaan ku saabsan arintaan.

Waxaa mar sii horeysay la adkeeyay in macluumadka bukaanka isbitaalada iyo dadkii horey u xanuunsadey la aqrisan karo bilaa sharci, iyadoo aan baahi markaas loo qabo aysan jirin. Hadii aad u baahatana aad ogaan karto mesha iyo goorta la booqdey macluumkaga.

Waxaa hada la rajaynayaa in qaabka ay u shaqeeyan Isbitalada oo kale ay aad muhiim u tahay in loo helo Navta, si shakiga badan ee soo wajahay dadka ku xiran Navta ay yaraan lahayd.

Xigasho/kilde: NRK

legg igjen kommentar/ ka dhiibo fikirkaaga

Bli den første som kommenterer/dhiibo fikirkaaga

Notify of
avatar
wpDiscuz