tirsdag, april 23, 2024

Markhaati: Waxaan arkey nin ka ordaya meesha uu ka dhacay dilka

Nin ka agdhawaa goobta uu dilka ka dhacay ayaa sheegay inuu arkey nin ka ordaya meesha lagu diley labada qof, 2 daqiiqo kadib marka uu dilku dhacay. Waxa uuna sheegay inuu arkey nin uu ku qiyaasey labaatameeyo oo isaga oo deg-degsan u ordaya dhinaca kale ee wada uu dilku ka dhacay. Wuxuuna qofkan markhaatiga ah ee la hadley Dagbladet sheegay inuu 100% hubo in qofkaas uu waxa uun ka ogaa dilka. 

Booliska ayaa sheegay in ilaa hada aysan cid kale u qaban dilka labadan qof, marka laga reebo wiil 15-jir norwiiji ah oo qirtey inuu ka danbeeyay dilka labadan qof. Dad badan ayaa su´aal ka keenay awooda uu wiil 15 jir ah u leeyahay inuu mindi ku dilo laba qof.

Booliska ayaa dhan kale dadka ka codsadey iney joojiyaan iney faafiyaan wararka aysan hubin, waxeyna sheegeen in wixii macluumaad xaqiiqo ah ay usoo gudbin doonaan dadka sida ugu dhakhsiyaha badan. Waxey sheegeen in kiiskan uu yahay mid adag oo u baahan baaritaan dheeri ah, soo loo xaqiijiyo dhamaan macluumaadkiisa.

Wargeyska VG ayaa qorayo in wiilka dilka qirtey inuu geystay uu aktiv ka ahaa meel ay ku cibaadeysan jireen koox Christian ah, isla markaana uu wiilku ahaa mid kasoo jeedo qoys Christian go´ay ah. Wiilka 15-jirka ee loo qabtey dilka ayaa ah norwiiji asal ah.

Xigasho/kilde: VG, Dagbladet.

 

[adsenseyu2]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x