Mariam Abdi Hussein oo si rasmi uga mid noqotey musharaxiinta u tartamayo doorashada baarlamaanka

0
286

Waxaa galabta la qabtey u codeynta iyo kala saarista xubnaha uu gudiga doorashooyinka SV, qeybtiisa Oslo uu usoo xuley iney u tartamaan doorashooyinka baarlamaanka, sanadka 2017.

Gabadha lagu magacaabo Kari Elisabeth Kaski, ayaa heshay booska koowaad oo ah kan ugu muhiimsan, uguna jaaniska fiican, marka la eego kamid noqoshada baarlamaanka. Kari ayaa hadii ay soo gasho baarlamaanka, badali doonta Heiki Holmås oo hada ah xildhibaanka kali ah oo SV ay ku leeyihiin kuraaska 19-ka ah ee gobolka Oslo uu ku leeyahay baarlamaanka. Heiki ayaa horey u ahaan jirey wasiirkii horumarinta Norway, isaga oo saaxiib dhow la ahaa dowlada Soomaaliya, iyo waliba jaaliyada soomaalyeed ee Norway.

Arinta ay dad badan oo soomaali ah  ay si gaar ah isha ugu hayeen galabta, ayaa ah booska ay gali doonto Marian Abdi Hussein, oo ah gabar soomaali ah oo kujirtey liiska xubnaha u sharaxan u tartamida doorashada baarlamaanka ee sanadka soo socdo.

Mariam ayaa ugu danbeyn ku guuleystay iney kamid noqoto musharaxiinta sida rasmiga ah ugu tartamaya doorashada baarlamaanka ee sanadka soo socdo, waxeyna gashay booska 5-aad, iyada markii hore kujirtey booska 6-aad. Dad badan oo katirsan xisbiga, ayaa filayay in Mariam lasoo galiyo boosaska hore ee liiska, balse waxey ugu danbeyn kasoo muuqatay booska 5-aad. 

Xisbiga SV ayaa hada xal xildhibaan oo kaliya kuleh kuraasta baarlamaanka. 

Marian ayaa noqon doonto musharaxii labaad ee soomaali ah, oo doorashada baarlamaanka ugu tartamo Oslo, waxaana ugu horeeyay Baashe Muuse oo sanadkii 2013 kujirey musharaxiinta u taagnaa xisbiga Ap Oslo.  

Dhanka kale Mariam ayaa ku biireyso tiro siyaasiyiin soomaali ah oo sanadkan loo soo xuley iney kamid noqdaan musharaxiinta baarlamaanka. Waxeyna tani bilow iyo ififaalo fiican u tahay matalaada ay qowmiyada soomaaliyeed ay mustaqbalka ku yeelan doonto siyaasada wadanka.

 

[adsenseyu2]

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments