fredag, mars 29, 2024

Lacagta ganaaxa dadka baabuurta dhigto parkering khalad ah oo 900 kr laga dhigay

Laga bilaabo kowda bisha January ee sanadka 2017, waxaa dhaqangali doono sharciyo cusub oo ku saabsan ganaaxyada la saaro dadka aan raacin sharciyada baabuur-dhigashada(parkering). Waxaana lacagta ganaaxa ah ee laga qaado dadka baabuurta ku parking gareeyo meelaha aan loogu talo-galin laga dhigay 900, halka ay hada ka tahay 500 oo kaliya.

Sidoo kale: 

Hadii aad baabuurka dhigato parkering bilaash ah saacad kooban, tigidna aadan iibsan wixii ka danbeeyo xiligaas, waxaa qofka la saarayaa ganaax ah 300 kr. 

Hadii uu qofku baabuurka dhigto parkering lacag ah, uusana iibsan tigid ama uu dhaafo saacadii uu lacagteeda bixisay, waxaa qofka la saarayaa ganaax lacageed oo dha  600 kr. 

Xeerkan cusub ayaa sidoo kale ku amraya dhamaan dadka kireeyo goobaha baabuurta la dhigto(dowli iyo privat), iney ganaax isku mid ah ka qaadaan dadka aan iibsan tigidada ama baabuurta dhigto meel aan la ogoleyn. Ganaaxa la saaro dadka baabuurta dhigto parkerinada dowliga ah, ayaa wax xoogaa ka raqiisnaa kuwa privetka. Laakiin wixii ka danbeeyo 1. January 2017, waxaa laga qaadayaa ganaax isku mid ah.

Xigasho/kilde: NRK-

[adsenseyu2]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x