onsdag, april 24, 2024

labo wiil oo walaalo soomaali ah oo Sweden lagu dilay

Waxaa fiidnamadii xaley magaalada Stockholm ee wadanka Sweden, lagu dilay wiil oo soomaali ah oo wada dhashey. Waxaana falkan uu ka dhacay maqaaxi shaaxa laga cabo uu kutaalo xaafada Rinkeby, oo ah xaafad ay ku badanyihiin ajaaniibta, gaar ahaan soomaalida. 

Booliska ayaa da´da labada wiil ee walaalaha ku sheegay iney tahay labaatameeyo, walina saxaafada ma aysan siini warar dheeri ah oo arintan ku saabsan. Inkasta oo saxaafada Sweden iyo waliba ku Norway, aysan sheegin wali in labada wiil ee la diley ay soomaali yihiin, hadana ilo xog ogaal ah ayaa NorSom News u xaqiijiyey in wiilasha la diley ay yihiin laba wiil oo soomaali ah, walaalana ah. 

Sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah, waxaa wiilashan dilka u geystay rag ku hubeysan qoryaha fudud ee darandooriga u dhaca iyo waliba bistoolado. Waxeyna sheegeen goobjoogayaashu iney ragan oo wajiyada soo duubtey, ay tacshiirad huwiyeen dad ku qaxweynayay maqaaxida ay dilka ugu geysteen labada wiil. 

Saxaafada Sweden ayaa qoreyso in dadweyne careysan ay isugu soo baxeen goobta uu falku ka dhacay, iyaga oo bilaabey iney dhagaxtuur ku sameeyaan booliska goobta soo gaarey, ee rabey iney baaritaan ku sameeyaan aaga ay wax ka dhaceen. Booliska ayaa sheegay iney wadaan baaritaan xoogan oo ay ku raadjoogaan ragii geystay falkan dilka ah. 

Dalka Sweden ayaa waxaa bilooyinkii danbe kusoo badaney dilalka qorsheysan ee u dhaxeeya kooxaha falal danbiyeedyada ka geysta magaalooyinka waaweyn ee wadankaas. Kooxahaas oo dhaxdooda uu ka dhaxeeyo dagaal, mararka qaarkood sababa gacan kahadal ay dad ku dhintaan.

XIGASHO/KILDE: VG, EXPRESSEN

[adsenseyu2]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x