konsgberg: nin soomaali ah oo dil geystay oo lagu xukumey 13-sano oo xarig ah

0
153

Nin soomaali ah oo bishii febraury ee sanadkan dil u geystay soomaali kale, ayaa maanta lagu xukumey 13 sano oo xarig ah. Qareenka u difaacayay ninkan la xukumey ee soomaaliga ah, ayaa sheegay iney qiimeyn ku sameyn doonaan iney racfaan ka qaataan xukunka maxkamada ee maanta dhacay. 

Maxkamadeynta ninkan soomaaliyeed oo da´diisa lagu qiyaasay sodomeeyo sano(30) ayaa bilaabatay khamiistii hore, waxeyna socotay labo maalin. Ninkan dilka geystay ayaa markii hore diidey intuu qirto inuu ka danbeeyay dilka, laakiin khamiistii hore ayuu maxkamada horteeda ugu danbeyn ka qirtey inuu isagu ka danbeeyay falka dilka ah.

Wuxuuna sheegay in marka uu falku dhacayay uu kujiray is difaac, isaga iyo ninka uu dilay oo saaxiibo ay ahaayeene, uu dhexmaray dagaal iyo gacan ka hadal mindi la isku adeegsaday, kahor inta uusan mindida rootiga dhowr jeer galin. Wuxuuna sheegay in markaas uu falka dhacayay aysan maskaxdiisu joogin oo uu cabsanaa, habeenkaasna ay magaalada kusoo caweeyeen. 

Maxkamada ayaa ku qanci weyday sharaxaada ninkan soomaaliga ah, waxeyna sheegtay inuu heystay dhowr doorasho oo kala duwan, oo ay kamid aheyd inuu isaga baxo qolka ay ku dagaalameen isaga iyo ninka uu dilay. Waxeyna sheegeen in afar kamid ah sadexda mindiyood ee uu ku dhuftay ninka uu dilay, ay ahaayeen kuwo uu la beegsaday xubno muhiim ah oo kamid ah jirka, iyaga oo raaciyay iney aheyd inuu fahmo in dhibanahu uu u dhiman karey dhaawacyadaas.

Maxkamada ayaa ninkan ugu danbeyn ku xukuntay 13 sano oo xarig ah, waxaana laga jarayaa 307 maalmood uu xabsiga ku xirnaa si kumeel gaar ah. waxey sidoo kale sheegeen in ciqaabta wax xoogaa laga dhimay maadaama uu danbiga ku qirtey maxkamada. 

Sidoo kale waxaa ninkan lagu xukumey inuu lacag gaareyso 30.000 nok oo magdhow ah uu siiyo, labo qof oo kale oo guriga ku sugnaa xiliga uu falka dhacay, sababo la xiriiro hanjabaad dil ah. 

Qareenka ninkan ayaa sheegay in xukunka nin la siiyay uu yahay mid adag, sidaas darteedna ay qiimeynayaan iney racfaan ka qaataan xukunka maxkamada. 

Labada nin ee soomaalida ee dilka isku geystay ayaa wadanka degenaa mudo ka badan 10 sano, waxeyna ahaayeen dad ay ka dhaxeysay aqoon hore. 

Xigasho/kilde: Laageldalsposten.no 1, laagendalsposten.no 2 

[adsenseyu2]

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments