tirsdag, april 23, 2024

Kongsberg: Maxkamdeynta Soomaali dilay soomaali kale oo maanta ka bilaabaneyso Kongsberg

Waxaa maanta oo khamiis ah ka bilaabaneyso maxkamada magaalada Kongsberg, maxkamadeynta nin soomaali ah oo dil u geystay soomaali kale, 13-kii bishii Febraur ee sanadkan 2016. 

Sida uu qorayo wargeyska LaagendalPosten, ninka soomaaliga ah ee loo heysto dilka ayaa da´ahaan jiro sodomeeyo (30), waxaana diyaarinta kiiska dacwadiisu ay soo dhamaatay bishii August ee sanadkan, iyada oo maantana ay bilaaban doonto maxkamadeynta.  Maxkamada ayaa socon doonto mudo laba maalmood ah. 

Marxuuma dhintay iyo ninka dilka loo maxkamadeynayo, ayaa waxaa ka dhaxeysay aqoon hore, sida uu qorayo Laagendal. 

Xigasho/kilde: Laagendal-papiravis( Torsdag 8-12-2016, side 4). 

[adsenseyu2]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x