Klassekampen: Dhibaatada soomaalida Oslo, waxaa asal u ah dhibaatada guryaha

Wargeyska Klassekampen ayaa isbuucii hore warbixin dheer ka diyaariyey Xuseen Cawad Nuur oo kamid ah dadka soomaaliyeed ee Oslo degan, gaar ahaan xaafada Tøyen. Xuseen ayaa Klassekampen u sheegay in dhibaatooyinka soomaalida Oslo heysato ay kow ka tahay dhibaatada ka heysata xaga guryaha.

Maalin maalmaha ka mid ah waxaan rajaynayaa in xal laga gaari doono dhiibaatada guryaha ee Soomaalida norway haysata ayuu yiri. 

Klassekampen ayaa maanta hadana mar kale soo daabacay maqaal kale oo ay uga hadlayaan dhibaatada soomaalida ka heysata guryaha.

Oslo ayaa noqotay magaalada ay soomaalida ugu badan ka iibsadaan guryaha,  marka loo eego magaalooyinka kale ee wadamada Nordica. Iyada oo taas ay jirto ayaa hadana waxaa soomaalida Oslo heysato dhibaato xaga guryaha ah oo aysan dadka kale intooda badan la qabin. Waxaana jiro qoysas badan oo soomaali ah oo degan guryaha dowlada oo badanaa kuyaalo xaafadaha isku raranta ah ee magaalada.

80% Norwajiyaanku waxay degan yahiin guryo ay iyagu milkiyad uleeyahiin, laakinse 75% Soomaalida Oslo waxay degan yahiin guryo kiro ah, sida laga soo xigtay waxda tirakoobka SSB.

Qiimaha guryahay kirada ee privatka ah ayaa kor usii kacayo magalada Oslo, iyadoo waliba ay adkaatay in guryo kiro ah la helo. Waxayna taas keeni kartaa in dadku degaan guryo yar iyo sidoo kale xasilooni daro dhanka degaanshaha ah oo ku imaankarto bulshada Soomaaliyeed. Waxaa intaas sii dheer in dadka danyarta ah ee guryaha kommune codsadey, ay waxbadan sugi doonaan, maadaama ay soo badanayaan dadka codsanayo guryaha dowlada.

Muran badan ayaa ka tagan sidee wax looga badli karaa xaalada guryaha ee magalada Oslo. Carqalaha kortaagan ayaa waxaa ka mid ah, deynta ay dulsaarku la socoto oo aysan Soomaalidu iyo inta badan muslimiintu qaadan. Iyada oo taas jirto ayaa hadan 25% soomaalida degan Oslo, waxey deganyihiin guryo ay iyaga gateen.

Waxeyna soomaalida Oslo degan guryo-gadashada uga horeeyaan soomaalida degan caasimadaha kale ee wadamada NORDICA oo tirada soomaalida degan guryo ay leeyihiin ay u dhaxeyso 1 ilaa 7 %.

Dhalinyaro badan oo soomaali iyo muslimiin kaleba ah, ayaa aad ugu mashquulsan sidii ay guri uga iibsan lahayeen Oslo, iyagoona ka fakaraayo mustaqbalka caruurtooda, sida uu qorayo Klassekampen. Hadana waxey ku dhiiran la´yihiin iney guri iibsadaan iyaga oo aan rabin iney qaataan lacagta ribada ah ee la socoto deynta guryaha.

Dhanka kale Soomaalida degan Denmark waxaa u sahlan inay guryaha kommunaha ay helaan, guryo cariirina kama jiraan. Sidaas dardeed uma baahna inay guryo iibsadaan.

Dhowr baaritaan oo la sameeyay, ayaa waxaa la isku waydiiyay sida ay siyaasada suuqa kala-iibsiga guryaha ay u noqon karto mid dhamaan dadku ay u siman yahiin. Sidoo kale qaabkee ayaa loogu sahli karaa dadka aan rabin iney deynta qaataan iney guryo iibsadaan. In qofku uu helo guri uu isagu leeyahay, ayaa ah wadada kali ah ee looga bixi karo dhibaatooyinka xaga guryaha ka heysata ajaaniibta guud ahaan, gaar ahaana soomaalida.

Tusaale ahaan: Husbankigu ma u sameyn karaa sdadka aan rabin inay deyn ay ribo la socoto qaataan nidaamka «leie til eie», inay lacagta kirada iska baxiyaan mudo dheer,  guryahooda ay iyagu iska leeyahiin. oo lamid ah iney kirada guriga u bixin karaan si caadi ah, laakiin mudo kadib ay milkiyada guriga iyagu la wareegi doonaan.

Nimaadkan waxuu soomaali badan u sahli lahaa inay guryo ay iyagu leeyahiin ay helaan. Waxuuna sidoo kale ka caawinlaha lahaa inay soomaalida ay daris la noqdaan dadka Norwiijiyaanka ah. Waxeyna taas u sahli kartaa iney luuqada si wanaagsan u bartaan, wadankana ay la qabsadaan, Sida uu qorayo Klassekampen.

Dhibtu intaas ka weyn: 

Klassekampen si guud ayuu uga hadley dhibaatada soomaalida ka heysata guryaha, laakiin hadii hoos loo daa-daago waxaa dadkeena soomaaliyeed ee Oslo degan, guryaha ka heysato dhibaato aad u baaxad weyn. Oslo kaliya ma ahan ee soomaalida wadanka oo dhan degan, wey la qabaan dhibtaas. 

Waxaa la sheegaa in cel-celis ahaan qofka soomaaliga ah uu labadii sanaba guri cusub deganyahay, taasna waxaa sababa guryaha kirada ah ama guryaha dowlada ay badanaa dadkeenu deganyihiin. Guur-guurista qoyska, waxey dhaawac weyn gaarsiisaa koritaanka ubadka oo hadba la geeyo miljø cusub, lagana fogeeyo asxaabtii iyo iskuulkii uu yaqaanay.

Kirada iyo dhibaatada guryaha waxaa noo sii dheer guryaha ciriiriga ah ee Oslo iyo caruurteena oo ka badan caruurta qowmiyadaha kale. Waxaad mararka qaarkood arkeysaa qoys 10 qof ka kooban oo degan guri sadex qol oo ciriir ah. Waxaana taas sii dheer iney adagtahay in qof soomaali ah oo caruur wata uu maanta Oslo ka helo guri kiro ah 

In qofku uu degenaado guri uu isagu leeyahay, waxey u sahleysaa inuu ahaado qof xor ah oo dooran karo meesha uu deegaan ka dhiganayo iyo waliba mudada uu halkaas degenaanayo. Sidoo kale waxey caruurtaada u sahleysaa iney lahaadaan deegaan rasmi ah oo ay ka reystaan guuritaankan la guurayo labadii sanaba mar. 

Maxaa xal ah hadaba?:

Bankiga DNB ayaa maalin dhaweyd loo soo jeediyay in dadka muslimiinta ah ay u ogolaadaan iney deyn islaami ah siiyaan dadka muslimiinta ah ee raba iney guryo gataan. Hadii ay taas hirgasho, waxey noqoneysaa guul weyn oo soo hoyatay, balse waa prosses dheer oo laga yaabo inuu qaato sanado, siyaasadna dabcan kama marnaan doonto oo FRP ayaaba dhinac soo taagan.

Sidee ayey kula tahay in looga bixi karo dhibaatada guryaha bulshadeena ka heysato Oslo? Majirtaa qaab aad adigu ku xalisay dhibaatada guryaha adiga oo aan deyn ribo la soco qaadan? Mala joogaa xiligii ay culimada soomaaliyeed ee Norway ay arintan dhibaatada guryaha ka fadhiisan lahaayeen? 

Xigasho/kilde: Klassekampen (17-12-2016, side 42). 

 

legg igjen kommentar/ ka dhiibo fikirkaaga

1 kommentar/ Fikrad celin På "Klassekampen: Dhibaatada soomaalida Oslo, waxaa asal u ah dhibaatada guryaha"

Notify of
avatar
Sort by:   newest | oldest | most voted
Ibrahim
Guest

waxaan rajaynaya inay dadka matala ama culimada somaliyeed raadin donaan xal. waa wax runtii aad u adag in guri kira ah lagu jiro. waa lacag meel cidla ah ku khasaaraysa! ANI ARAGTIDAYDA DADKAN MUSLIMIINTA AH WAXAY KA BAQAYAAN WAXAY BAQAYAAN BAS, OY U DIIDANYIHIIN LACAGTA DULSAARKA INAY ISKA BIXIN WAYAN HADHOW SIDA INAY DHINTAAN AYAGOO DAYN LAGU LEEYAHAY AMA INTEY BIXIN WAYAN SABABO DHAQAALO AWGEED, DEEDNA ACAGTII AY KUSII KORODHO, OY DEYN KA BIXI WAYAAN NOLOSHOODI. marka miyaynan bangiiyadu ama dawladu ka qancin karin dadkan su,aalahan ayy qabaan.

wpDiscuz