tirsdag, april 23, 2024

Erna oo mar kale KRF iyo Venstre ku casuuntey wada-hadalo cusub

Reysulwasaaraha xaalku ku ciirsanyahay ee Erna Solberg, ayaa sheegtay iney maanta markale wadahadalo ku saabsan miisaaniyada sanadka 2017 ugu yeertay xisbiyada Venstre iyo KRF, iyada sheegtay iney rajeyneyso in markaan ay isgarad gaaraan.

Venstre iyo KRF ayaa labaduba isaga baxey wadahadaladii ay kula jireen dowlada, iyaga codsadey in wax laga badalo qorshaha miisaaniyada sanadka 2017. Waxeyna sheegeen ineysan miiska kusoo noqon doonin ilaa ay dowladu la timaado qorshe miisaaniyadeed ka duwan, kan ay soo bandhigeen dhowr isbuuc kahor.

Erna Solberg ayaa qirtey in wadahadalada miisaaniyadu ay ka cuslaadeen sidii ay fileysay, isla markaana sheegtay iney rajeyneyso iney heshiis gaaraan, miisaaniyada 2017-kana la ansixiyo maalinta isniinta ah ee nagu soo aadan.

Erna ayaa sheegtay iney heystaan shan maalin oo ah waqti ku filan oo ay heshiis iyo isgarad ku gaari karaan, isla markaana aysan jirin sabab keeneyso in uu wel-wel imaado.

Dhanka kale gudoomiyaha xisbiga Ap Jonas Gahr Større ayaa sheegay inuusan diyaar u aheyn xiligan inuu la wareego dalada wadanka, hadii ay xisbiyadu heshiis gaari waayaan, isla markaana ay miisaaniyada sanadka 2017 anxismi weydo. 

Waxaa sii badanayo cadaadiska saaran reysulwasaare Erna Solberg, iyada oo khatar ugu jirto iney lumiso awooda dowlada, isla markaana ay xukuumadeedu dhacdo iyada oo aan dhameysan mudadii afarta sano aheyd ee la doortey.

Qaar kamid ah siyaasiyiinta xisbiga Høyre ayaa Erna Solberg ku eedeeyay iney awood dheeri ah siisey xisbiga talada dowlada lahayo ee FRP, isla markaana ay ilowdey iney ku fakarto qorshayaasha xisbiyada taageerada siiyo dowlada ay hogaamiso. 

Xigasho/kilde: NRK

 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x