Dr. Abdi Gele: Waxaan ahey waalid aan luuqada si fiican u aqoon, balse shahaado PHD heysta

Waxaa labadii maalmood ee ugu danbeeyay si aad ah loo hadal hayey hadal kasoo yeeray siyaasi katirsinaan jirey golaha deegaanka Oslo. Hadalkaas oo ku saleysnaa iney jeclaan laheyd, iney wadanka ka tarxiisho waalidiinta aan luuqada wadanka baran. Waxeyna hadalkeeda raacisay in waalidiinta aan baran luuqada wadanka ay ilmahoodu ku koroyaan, aysan aheyn iney qaadaan masúuliyad waalidnimo.

Hadalka gabadhan siyaasida ah ee soomaaliyeed, ayaa waxaa aad looga hadalhayey baraha bulshada internetka iyo waliba goobaha ay dadku kulmaan ee wadankan. Dad badan ayaa jawaabo kala duwan ka bixiyey, balse waxaa nasoo jiitey qoraal jawaab ah oo uu barta facebooga ku bixiyey Dr.Abdi Gele oo kamid ah aqoonyahada jaaliyada soomaaliyeed ee Norway. Waxaan weydiisaney ogolaanshaha ah inaan wargeyska kusoo daabici karno commentigiisa, wuuna naga ogolaaday.

Klassekampen oo warbixin ka diyaariyey Abdi Gele
Klassekampen oo warbixin ka diyaariyey Abdi Gele

Abdi Gele waa diktoor cilmi-baare caafimaad ah, oo katirsan machadka Oslo iyo Akershus. Waana aabe soomaaliyeed oo wadanka ku heysto caruur. Sidoo kale waxa uu cilmibaare u yahay xarunta baaritaanka caafimadka dadka laga tiro badanyahay(soo galootiga).

Wuxuu kujiray cilmibaarayaal hogaaminayay cilmibaaris dhawaan soo baxdey oo ku saabsan baaxada cudurka macaanka/sonkorta ee haweenka ajaaniibta. Waxa uu sidoo kale hada gacanta ku hayaa cilmi baarisyo kale oo ay isla wadaan isaga iyo dhakhaatiir norwiiji iyo ajaaniib kaleba ah. Kudarso xisaabtoo, luuqada norwiijiga sifiican uguma hadlo, sida uu isagu noo sheegay.

Dr Abdi Gele ayaa facebooga kusoo qorey qoraalkan: 

Ubax waxaa laga sheegay inay tiri Soomaalida waalidka ah ee aan luuqadda aqoon waan tarxiili lahaa. Anigu luuqadda si fiican uma aqaan, waxaana ahay waalid. Waddankaan markaan joogey 9 sano, waxaan ka qaatay shahaadada PhD. Aniga iyo in badan oo ila mid ah ayaana intaas iyo ka badan ka sameeyey waddanka, iyaga oo aan luuqad ku filan aqoon. Luuqaddu waa factor ka mida factors badan oo qofka u fududayn kara is dhexgalka, mase aha factor-ka kaliya.

Abdi Geele ayaa markii aan la xiriirney intaas noogu darey, in barashada iyo aqoonta luuqada norwiijiga, laga aaminsanyahay qalad aad u weyn. Kaas oo ku saabsan in waalidku uusan waxbo caruurtiisa u qaban karin, hadii uusan luuqada wadanka aqoon. Taasina ay tahay arin aan sax aheyn, oo ay iska dhaadhiciyeen dad badan oo norwiiji iyo ajaaniiba ah.

Tusaale ahaan wuxuu usoo qaatey, in qaar badan oo kamid ah ingineerada ka shaqeeya soo saarista shidaalka, ay yihiin ajaaniib aan wadankan u dhalan, balse caruur iyo qoysas ku heysto. Wuxuuna sheegay in inkasta oo aysan luuqada wadanka aqoon fiican u laheyn, hadana ay yihiin waalid wax walba oo ilmahooda ku saabsan la socon karo, isla markaana kasoo bixi karo masúuliyadii waalidnimo ee looga baahnaa wadankan. 

[adsenseyu2]

legg igjen kommentar/ ka dhiibo fikirkaaga

avatar
  Subscribe  
Notify of