torsdag, april 25, 2024

Dhalinyaro loo maleynayo iney soomaali yihiin oo dhac ka geystay Dælenenga Oslo

Dhowr wargeys oo kuwa Oslo kasoo baxo ah, ayaa qorayo in 12-15 dhalinyaro ah oo loo maleynayo iney yihiin Soomaali ama afrikan ka timid woqooyiga ay afrika, ay dhac u geysteeen wiil dhalinyaro ah, ayna ka xoogeen moobil uu heystay.

Booliska Oslo ayaa sheegay inuu xiriir lasoo sameeyay qof goob jooge ahaa oo arkey dhalinyaro 12 ilaa 15 gaaray oo laad la dhacayo wiil kale oo isna dhalinyaro ah. Waxeyna dhacdadan ka dhacdey aaga Dælenenga Oslo. Wiilka uu dhibku soo gaarey ayaa markii danbe  loola cararey legevaktaha, isaga oo markaas miyir beeshan. 

Madaxa howlgalada booliska Oslo, ayaa sheegay in nabarada wiilkan la gaarsiiyey ay yihiin kuwo daran, balse aysan garaneyn halista ay yeelan doonaa. 

Dhalinyarada dhibta geysatay ayaa ka cararey meesha ay wax ku sameeyeen, iyaga oo boolisku uu sheegay iney ku dabo jiraan. 

Booliska Oslo maxey ka faa´iidaan sheegida dhalashada dadka danbiyada geysto:

Markasta oo uu dhib sameeyo qof soomaali ah, ama xitaa loo maleynayo inuu soomaali yahay booliska iyo mediyaha Norway, waxey ku dagdagaan sheegista dhalashada qofka. Waa su´aale maxey ka faa´iidaan ama ujeedo noocee ayay ka leeyihiin.

Sida ku cad qoraalka ay qorayaan wargeysyadu wali ma cada dhalashada dhalinyarada dhibta geysatay, balse waxey qorayaan in la tilaami karo iney soomaali yihiin. Hadeyba sheegayaan dhalashada dadka dhibta geysto, mey sugaan ilaa ay ka xaqiijinayaan?

Xigasho/kilde: Aftenposten-papiravis( 6-12-2016, side 12).

[adsenseyu2]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x