torsdag, mars 28, 2024

Dhakhaatiirta soomaaliyeed ee Norway oo sameystay urur ay ku mideysanyihiin

Dr. Mahad Warsame iyo Dr. Hanna Elmi oo ah labo dhakhtar oo soomaali ah, oo ka howlgala xarumaha caafimaadka ee dalkan Norway, ayaa sheegay iney sameeyeen urur ay ku mideysanyihiin dhakhaatiirta soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkan Norway, iyo ardeyda soomaalida ah ee dhakhtarnimada ka barata dalka gudihiisa iyo waliba wadamada Yurubta bari.

Ururkan oo magaciisu yahay Somalisk Medinisk Forening, ayaa waxaa ilaa hada xubno ka ah 37 qof, kuwaas oo isugu jiro dhakhaatiir ku shaqeysa xirfada dhakharnimada iyo ardey dhakhtarnimada barata.

Mahad iyo Hanna ayaa NorSom News u sheegay iney ururkan u aas-aaseen sababo ay kamid yihiin, in la mideeyo aqoonyahanada soomaaliyeed ee xirfadaas ku shaqeeyo, si ay ay iska warqabaan, wada shaqeyn hoose, aqoon isweydaarsi iyo iskaashina uu u dhexmaro.

Waxey sidoo kale sheegeen iney ururkan u sameeyaan, si ardeyda soomaaliyeed ee jaamacadaha ka barata dhakhtarnimada, ay u heli lahaayeen meel ay ka heli karaan caawimaad ku aadan, helista goob ay ku qaataan sanadka koowaad ee tababarta xirfada dhakhtarnimada(turnus-tjeneste).

Dr. Mahad oo ah dhakhtar uu takhususkiisu yahay Indre-medisn, kana howlgala isbitaal kuyaalo magaalada Tromsø, ayaa ah gudoomiyaha ururkan Somalisk Medinisk Forening. Wuxuu mahad sheegay in la joogo xiligii ay aqoonyahada soomaaliyeed ee wadankan, ay ku midoobi lahaayeen xirfadooda iyo aqoontooda, si ay u fududaato in la helo goobo loogu soo hagaagi karo, hadii ay bulshadu wax uga baahato xirfadooda iyo aqoontooda.

Mahad ayaa sidoo kale sheegay in ururkan ay ku midoobeen dhakhaatiirta soomaaliyeed ee Norway, uu intii ay awoodaan ay bulshada soomaaliyeed ka caawin doonaan caqabadaha kasoo wajaho xaga caafimaadka. Wuxuu tusaale usoo qaatey iney jiraan boqolaal qof oo soomaali ah oo loo daaweeyay si khalad ah ama laga galey gaf dhinaca caafimaadka ah. Kuwaas oo aan aqoon fiican u laheyn xaqa ay leeyihiin, sida ay uga dacwoon lahaayeen iyo waliba wadooyinka iyo hababka loo maro dacwadahaas.

M

Dr.Hana oo iyaduna ku takhusastay cudurada caruurta, kana shaqeyso isbitaalka Sykehuset Østfold, ayaa sheegtay in hadii ay jiraan dhaqaatiir soomaaliyeed oo wadanka ku dhaqan, daneynayana iney kamid noqdaan ururkan ay kusoo biiraan SMF, si loo xoojiyo awooda iyo aqoonta ururkan. Waxaadna kala xiriiri kartaa cinwaankan: Somaliskmedisinks forening@gmail.com ama facebook group: Somalisk medisinisk forening

Hana ayaa NorSom News u sheegtay iney sidoo kale diyaar u yihiin iney la shaqeeyaan dadka soomaaliyeed ee kale ee ka shaqeeyo caafimaadka. 

Labadan dhaktar ee soomaaliyeed ayaa sheegay in muhiimada ugu weyn oo ay u aas-aaseen ururkan ay tahay caawinta bulshada soomaaliyeed, gaar ahaan ay soo wajahaan dhibaatooyinka xaga caafimaadka, aqoonta fiicana aan u laheyn systemka caafimaadka wadankan. 

[adsenseyu2]

 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x