torsdag, april 25, 2024

Booliska: Weerarkii Moelv waxaan u aqoonsanay inuu ahaa isku dayday dil

Booliska Moelv oo katirsan kommunaha ringsaker ee gobalka Hedmark, ayaa sheegay in dhacdadiii uu ninka soomaaliga ah uu gabadha soomaalida ah weerarka ugu geystay ay baaritaan iyo wareysio kadib u aqoonsadeen iney aheyd fal isku day dil ah.

Waxeyna sheegeen in weerarkaas loo adeegsaday mindi, dhaawacyo culusna ay soo gaareen gabadha la weeraray. waxeyna raaciyeen iney gacanta kusoo dhigeen mindidii weerarka loo adeegsaday. balse faah-faahin dheeri kama bixin qaabka ay wax u dhaceen, iyaga oo sheegay iney wali wadaan baaritaano iyo wareysiyo. 

Sidoo kale Waxeyna raaciyeen in dacwada loo heysto ninka soomaaliga ee xiran xabsiga, ay hada balaariyeen oo ay ka dhigeen kiis dacwad isku dey dil ah. 

Gabadha uu dhibku soo gaarey ayey boolisku sheegeen iney wali kujirto isbitaalka, xaaladeedana ay ka fiicantahay sidii hore, balse wali la xanuunsaneyno nabaradii kasoo gaarey weerarkan. 

Booliska ayaa horey u sheegay in xiriir iyo aqoon hore ay ka dhaxeeyaan labadan qof ee soomaalida ah ee dhibka is gaarsiiyey, wax faah-faahin ahse kama bixin nooca xiriir ee ka dhaxeeyay.

Xigasho/kilde: GD.no , Ringsaker blad. 

[adsenseyu2]

 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x