torsdag, april 18, 2024

Booliska Kristiansand oo shir jaraaid qabtey

Booliska magaalada Kristiansand ayaa daqiiqado kahor qabtey shir jaraa´id oo ay uga warbixiyeen, meesha ay marayaan baaritaanka ku aadan falka lagu diley wiilka 14-jirka soomaaliga ah iyo haweeneyda macalimada aheyd.

Booliska ayaa sheegay ineysan ilaa hada aysan jirin qof ay usoo qabteen ama ku tuhunsanyihiin dilka labadan marxuum, balse waxay sheegeen iney heleen warbixino kala duwan, walina ay wadaan baaritaanka. 

Waxeyna sheegeen in ilaa hada aysan wax fikrad ah ka heysan qaabka uu u dhacay falkan iyo inta qof ee ka qeybqaadatay. 

Booliska ayaa sheegay inuu Yacquub Abdullahi Hassan buss kasoo raacey senterka magaalada Kristiansand, isaga oo uga dagey meel aan waxbadan ka dheereyn meesha uu falku ka dhacay. Haweeneyda kale ayaa la sheegay iney banaanka usoo baxdey si ay hawo usoo siiso eygeeda. Sida ay warbaahintu qorayaana wax xiriir ah ama aqoon ah kama dhaxeyn labadan marxuun ee isku meesha lagu dilay. 

A.U.N Yacquub ayaa dhigan jirey iskuul kuyaalo dhinaca kale ee magaalada, lama ogo sababta uu halkaas u joogay xiligaas oo aheyd xili iskuulada laga soo baxey, sida ay boolisku sheegeen. Waxeyna ka codsadeen in hadii ay jirto cid information ka heyso meesha uu yacquub ku socday ama cid uu balan la lahaa iney lasoo xiriiraan booliska. 

Booliska ayaa shirkooda jaraa´id ku sheegay in hadii ay jirto cid warbixin ama macluumaad ka og dhacdadan iney xiriir lasoo sameeyaan. 

Dhanka kale duqa magaalada Kristiansand ayaa sheegay iney heegan buuxo galiyeen shaqaalahooda degmada, si ay ula falgalaan dhacdadan argagaxa ee kusoo biirtey dadka degan Kristiansand. 

Xigasho/kilde: TV2-Shirka jaraa´id ee booliska. 

[adsenseyu2]

 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
2
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x