Kongsberg: Banaanbax looga soo horjeedo siyaasiyada dowlada ee qoxootiga oo bari dhici doono

0
135

Waxaa maalinta bari ah, oo taariikhdu ay ku beegantahay 14-desember-2016, magaalada Kongsberg ka dhici doono banaanbaxo looga soo horjeedo siyaasada dowlada ee ku wajahan dadka magangalyo-doonayaasha ah.

Waxaana qodobada dowlada looga soo horjeedo kamid ah dib u qiimeynta sharciyada magangalyada qoxootiga soomaaliyeed ee gaaraya 1600 iyo dib ugu celinta caruurta ka timid wadanka Afgaanistaan. 

Ururka Refugees Welcome Kongesberg ayaana soo qabanqaabiyey banaanbaxaas. Wuxuuna bilaaban doonaa saacadu marka ay tahay 17:00, iyada lagu kulmi doono wadada Storgata, dukaanka Jernia hortiisa. 

Ilaa 10 urur oo kale ayaa sheegay iney banaanbabaax taageersanyihiin, muhiimna ay tahay in wadanka dhan laga muujiyo sida ay dadku uga soo horjeedaan siyaasada adag ee dowlada, ee ku wajahan dadka magangalyada soo weydiistay wadankan Norway. Sidoo kale waxey sheegeen iney rajeynayaan in banaanbaxo noocaas oo kale ah, ay ka dhacaan magaalooyinka kale wadanka.

Dhamaan dadka soomaaliyeed ee degan Kongsberg waxaan ugu baaqeynaa iney sida ugu fiican uga qeybqaataan banaanbaxaas. 

Xigasho/kilde: Dagsavisen.no 

[adsenseyu2]

 

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments