fredag, april 19, 2024

Ayaan Xirsi, Sylvi Listhaug iyo Inger Støjberg oo Oslo ku kulmey, shirna iclaamiyay

Ayaan Xirsi Cali oo ah haweeney uu asalkeedu soomaali yahay, ayaa kulan magaalada Oslo kula qaatay wasiirada arimaha soo galootiga iyo isdhexgalka bulshada ee dalalka Denmark iyo Norway, Sylvi Listhaug iyo Inger Støjberg.

Waxaana ay sheegeen in kulankaas ay uga doodeen, ugana wada hadleen arimo ay kamid yihiin sinaanta raga iyo dumarka, xor ahaanshaha qofka ee hadalka(Ytringsfrihet) iyo cadaadiska uu islaamku ku hayo haweenka, waa sida ay hadalka u dhigeene. Waxeyna iclaamiyeen shir weyn oo sadexdoodu ay horboodi doonaan, kaas oo arimahaas lagu qaabaa dhigi doono, sanadka danbe ee 2017-kana ka dhici doono magaalada Oslo.

Labadan wasiir  ee kulanka kala qeybgalay Ayaan Xirsi, ayaa isla qiray in haweeneydan uu asalkeedu soomaalida yahay, ay tahay qof geesiyad ah oo wax badan u dagaalameysay xuquuqda haweenka , ayna tahay qof mudan in lagu deydo. Iyaga oo ku amaaney iney u istaagtay arintaas, wax badana difaaceysay.

[adsenseyu2]

Wasiirada arimaha soo galootiga ee dalka Denmark Inger Støjberg oo kulanka kadib la hadashay wargeyska VG, ayaa sheegtay in sadexdooduba ay u dagaalamayaan madax banaanida hadalka iyo xuquuqda haweenka. Waxeyna sheegtay in islaamka gudihiisa laga dheehan karo cadaadis haweenka lagu hayo.

Støjberg ayaa sidoo kale sheegtay in soo galootiga tiro badan uu isbadal ku keeni doono Yurub, Scandinavianka iyo waliba Denmark, hadii aan arimahaas hada lala dagaalamin oo laga hortagin.

Waxeyna raaciyay in caadooyinka wadamada Yurub ay kamid tahay inuu qofku xor u ahaado fikirkiisa iyo hadalkiisa, ama uu sawiro waxa uu rabo isaga oo aan cabsi ka qabin in waxyeelo lasoo gaarsiiyo. Iyada oo sheegtay in arimahaas ay hada cadaadis soo saarmayaan, loona baahanyahay in laga hortagi inta aysan xaaladu xumaan. 

Ayaan Magan: Yurubiyaanku, waxey dhayalsadeen dooda islaamka.

Ayaan Xirsi ayaa sheegtay in dalalka Yurub ay dhayalsadeen khatarta islaamka xili dheer, ayna xaaladu marba marka ka danbeyso sii xumaaneysay. Waxeyna sheegtay in dadka dhalinyarada maskaxda ka badalo ay aad usoo bateen, dhalinyarada maskaxda laga dhaqey ee yurub kunoolna ay hada tiro dhaafeen, ayna adagtahay in la ogaado cida ay yihiin iyo waliba meesha ay joogaan. 

Ayaan ayaa sidoo kale VG u sheegtay in ayaduba ay ku biiri gaartay ururada xagjirka ah, markii ay 15 sano jirtay. Waxeyna sheegtay in maskaxda laga dhaqay waagii ay yareyd, ayna marar badan maqli jirtay in:  Sharaaceda islaamka ay tahay mida kaliya ah ee saxda ah, iyo in dhamaan sharciyada kale ay yihiin kuwo uu bini aadam sameeyay oo danbi ah. In gaalada la dilo ama ay soo islaamaan, in Haweenku ay is isdaboolaan tin ilaa cirib. 

-Syvli Listhaug iyo Ayaan Xirsi Ali:

Ma ahan markii ugu horeysay ee Sylvi Listhaug ay la kulanto Ayaan Xirsi. Dhowr bilood kahor ayey aheyd kadib markii Ayaan iyo Syvli ay kulan uga wada qeybgaleen Oslo. Waxeyna sheegeen iney halkaas ku saaxiibeen, wixii ka danbeeyayna ay telefono, skype iyo fariimo dhanka e-mailka ah isdhaafsanayeen.

Listhaug ayaa haweeneydan soomaalida ah ku tilmaantay iney u tahay qof ay ku dayato oo geesiyad ah, haween badan oo dhibaatooyin nooceeda oo kale lasoo kulmeyna, ay u tahay calaamad muujineyso geesinimo.

Sylvi Listhaug waa wasiirada arimaha soo galootiga iyo isdhexgalka bulshada. Waana siyaasiyad katirsan xisbiga xagjirka ah ee FRP. Marar badan ayey warbaahinta ka sheegtay hadalo muujinaya fikirkeeda ku aadan islaamka iyo qaabka ay rabto iney soo galootiga u dhexgaliso mujtamaca.

La kulanka iyo buun-buuninta Ayaan Xirsi Ali oo soomaalidu ay sifiican u wada garanayaan, waxey muujineysaa fikirka Sylvi Listhaug iyo siyaasadeeda xagjirka ah ee ku aadan soo galootiga ka yimid wadamada muslimiinta ah.

-Casuumaada Ayaan Xirsi waa nasiib daro:

Lars Gule

Lars Gule oo ah cilmibaare dhanka diinta islaamka ah, macalina ka ah machadka Oslo iyo Akershus ayaa casuumaada Ayaan Xirsi ku tilmaamey iney tahay mid nasiib daro ah. Isaga oo Ayaan ku eedeeyay ineysan rabin iney kala saarto diinta islaamka guud ahaan iyo islaamka xagjirka ah, ayna wax isku walaaqeyso. 

Lars ayaa sidoo kale sheegay in Ayaan Xirsi ay wadato fikir uu ku dheehanyahay cadaawad, islaamnaceyb ah iyo xagjirnimo dhinaca midigta fog ah. Wuxuu sidoo kale sheegay iney Ayaan sawir khaldan oo qaloocsan ay ka bixineyso diinta islaamka, iyada oo hanjabaadaha loo soo jeediyo ka dhigeyso iney ka turjumayaan islaamka dhabta ah.

Cilmibaarahan oo buugaag badan ka qorey xagjirnimada, ayaa sheegay in dooda Ayaan Xirsi Ali ay adagtahay in si dhab ah loo qaato, maadaama ay durbo dusha isku saarineyso arimo badan oo abaahan in lagala saaro. 

Xigasho/kilde: VG, Nettavisen, NRK

[adsenseyu2]

 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x