lørdag, april 20, 2024

Ap, SV iyo Sp oo raba iney UDI-da ka qaadaan awooda sharci kala noqoshada dhalashada

Xisbiyada Ap, SV iyo Sp ayaa sheegay iney isku raaceen soo jeedinta qorshe ah, in laanta socdaalka ee UDI-da laga qaado awooda ay kaligood dadka kala noqon karaan sharciga dhalashada wadanka. Waxeyna sheegeen iney rabaan in maxkamad ay gaarto go´aanka kama dambeysta ah ee qofka sharciga dhalashada loogala noqonayo. 

Laanta socdaalka iyo agaasinka soo galootiga ee UDI-da, ayaa hada awood u leh iney sharciga dhalashada-wadanka qofka kala noqoto, hadii ay helaan warar sheegaya inuu qofkaas bixiyay macluumaad khalad ah, markii uu dhalashada wadanka codsanayay ama uu qariyay macluumaad kale.

[adsenseyu2]

Wasiirada arimaha soo galootiga iyo isdhexgalka dowlada Norway ee Sylvi Listhaug, ayaa sheegtay in UDI-du ay hada kujirtaa dib u qiimeynta sharciyada dhalashada wadanka ee dad gaarayo 500, kuwaas oo ay sheegtay in looga shakisanyahay iney bixiyeen macluumaad aan sax aheyn. Sidoo kale waxaa afartii sano ee ugu danbeysay sharciga dhalashada ay UDI-du kala noqotay dad gaaraypo 135 qof, iyada oo qaar kamid ah dadkaas ay heleen sharciyo noocyo kale ah oo ay wadanka kusii joogi karaan.  

Xildhibaano katirsan baarlamaanka Norway oo kamid ah sadexdaas xisbi ee kor ku xusan ayaa sheegay, iney rabaan in prosseska sharci kala-noqoshada dhalashada ay kusoo daraan maxkamad. Waxeyna cadeeyeen in hadii qofku uusan raali ku aheyn go´aanka ay UDI-da iyo UNE gaareen, la siiyo xaq ah inuu arintiisa lasii aadi karo maxkamad, si halkaas go´aan kama dambeys ah loogu gaaro.  

Cadeymo maxkamada horteeda: 

Dad badan oo kamid ah dadka sharciga dhalashada lagala noqday, waxey markoodii hore ahaayeen dad qoxooti ah oo kaoso qaxey wadamo iyo deegaamo aysan dowlada Norway ku kalsooneyn documentiyada kasoo baxo. 

Mahad Abiib oo ah muwaadin soomaali ah, kaas oo UDI-du ay bishii April ee sanadkan ay kala noqotay sharciga dhalashada wadanka, ayaa sheegay inuu soo bandhigay tobonaan cadeymood oo ka yimid dowlada dhexe ee Soomaaliya. Kuwaas oo qeexaya  inuu Mahad yahay muwaadin soomaali ah. Balse wuxuu sheegay inaan cadeymahaas laga hoos qaadin, maadaama aysan dowlada Norway ku kalsooneyn documentiyda cadeynta ah ee kasoo baxa dowlada ay kamid tahay Soomaaliya. 

Xisbiyadan Sv, Sp iyo Ap ayaa sheegay iney maxkamadu ay UDI-da waxbadan kaga fiicantahay, marka laga hadlayo qiimeynta cadeymaha khuseeyo kiisaska sharci kala noqoshada qofka. Waxeyna sheegeen in markii maxkamada kiiska la geeyo ay labada dhinac soo bandhigaan karaan cadeymahooda. Iyaga oo raaciyay in qofku uu jaanis u helayo inuu kiiskiisa iyo waliba cadeymihiisa kusoo bandhigto maxkamada horteeda, inta uusan qaadiga maxkamadu gaarin go´aanka kama dambeysta ah.  

Sadexdan xisbi ayaa sidoo kale sheegay, in arinta ku saabsan kala noqoshada ay UDI-da kaligeed dadka kala noqon karto sharciyada dhalashad, ay abuuri karto shaki wel-wel iyo cabsi. Shakigaas oo  burburin kara degenaanshaha qofka ee wadanka iyo ku xirnaantiisa mujtamaca Norwiijiga. Waxeyna sheegeen iney haboontahay in maxkamad ay gaarto go´aanka kama dambeysta ah, si loo adgeeyo loona wanaajiyo nidaamka kala noqoshada sharciga ee qofka.

Heikki Holmås oo horey u ahaan jiray wasiirka horumarinta dowlada Norway, ayaa isaga oo bishii Mai ee sanadkan ka hadlayo, sharci kala noqoshada ay UDI-da sharciga kala noqotay Mahad Abiib sheegay iney fiicnaan laheyd in hadiiba ay noqoto in qofka lagala noqdo sharciga dhalashada, ay fiicnaan laheyd in la geeyo maxkamad, halkaas go´aan kama dambeys ah lagu gaaro. 

Hålmos ayaa kamid ah xildhibaanada katirsan sadexdaas xisbi ee fikirka soo jeediyay. 

 

Xigasho/kilde: Nettavisen, Vårtland, NTB

[adsenseyu2]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x