lørdag, april 20, 2024

(Maqaal): Ap, Høyre ku badalo= Waa adiga oo dambas, dab ku badashay

Waxaa ilaa shaley facebooka la wareejinayay muuqaalka wareysi lala yeeshay Fabian Stang oo horey u ahaan jiray duqii magaalada Oslo, haatana ah wasiirka ku xigeenka wasiirada arimaga soo galootiga dowlada Norway, Sylvi Listhaug. Hadalka Fabian Stang wax weyn oo la sheego masoo kordhin, sababtoo ah macluumaadka uu ka dhawaajiyey, waxey ahaayeen kuwo dhamaan soomaalida kunool Norway ay horey uga warqabeen.

Meesha wareysiga lagu qaadayo, waxaa fadhiyay xildhibaan katirsan golaha deegaanka Trondheim, kana mid ah xisbiga Høyre. Sidoo kale dhowr su´aalood oo wareysiga kamid ah, waxey ku saabsanaayeen xisbiga Ap, oo markaas uusan qofna meesha ka joogin. Waxeyna taas keeneysaa in calaamad su´aal la saaro dhex-dhexaadnimada wareysiga iyo ujeedkiisaba.

Qosolka Fabian Stang haku khaldamin:

Fabian Stang wuxuu mudo badan ahaa duqa magaalada Oslo, waana nin fur-furan oo dadka Oslo intooda badan ay sifiican u yaqaaneen, kuna tilmaami jireen inuu ahaa nin bashaash ah.

2015 ayaa looga guuleystay duqnimada magaalada Oslo, laakiin dhowr isbuuc kahor ayaa loo magaacabey wasiir ku xigeenka Listhaug, si dadka looga jeediyo dhibaatadeeda, looguna badalo odeygaan iska qosolka badan. Laakiin qosolkaas yuusan ku gaadin, howshii Listhuag isma badalin oo wali meeshii ayey ka socotaa. Waxaana Stang loogu tala galey inuu dheeli-tir ku sameeyo hadalada muranka dhaliyo ee Sylvi Listhaug.

Høyre aan u codeyno:

Dadkeena soomaaliyeed waxaa fudud in hal dhinac xaqiiqada laga tuso, si fududna loo kasbado dareenkooda.  Waxaa maalmahan socotey dooda ku saabsan heshiiska uu dib u celinta qoxootiga ee uu xisbiga Ap wax ka saxiixey. Xildhibaano soomaaliyeed ayaa sheegay inuusan xisbigooda heshiis saxiixin, taasna waxey dhalisay caro kale oo loo qabo xisbiga Ap.

Waxaa maanta baraha facebook lagu arkayay dad soomaali ah oo leh aan u codeyno Høyre, maadaama Ap uu nagaaday markii hore.  Waxaad moodaa in si xirfadeysan la rabo in xanaaqa soomaalida looga faa´iideysto, oo meel aan jirin wax laga tuso.

Su´aal ma isweydiiseen: dowladan hada joogto yaa madax u ah? Yaase keenay sharciga ah in soomaalida sharciyada lagala noqdo?  Yaa Listhaug markii hore u magacaabay wasiir, yaase hada indhaha ka daawanayo?.

Ma xasuusataa waagii ay Erna Solberg aheyd wasiirada deegaanka, mana xasuusataa iney soomaalida u caayi jirtey si toos ah oo laalaab ku jirin. Ma xasuusataa goortii lasoo rogey in soomaalida isku dacwooneyso dhiig laga qaado iyo qofkii soo jeediyay fikirkaas?  Miyaad ilowdeen waagii ay Erna Solberg laheyd soomaalida yaan la dajin Trondheim, sababtoo ah waxaa xumaanayo amaanka iyo nadaafada magaalada. 

Soomaalida ugu badan ee maanta Norway kunool, waxey magangalyo qoxootinimo heleen iyaga oo wadanka ay xukunto dowlad ay Ap hogaamiyaan. Ap heshiis waa galey oo shaki kuma jiro, laakiin laab la kaca iyo qar iska tuurka waa laga fiicanyahay. Ap qofkii ka guuro oo Høyre aado, waa adiga dambas ka tagey oo dab cagaha gashtay.

Xisbiga aad rabto u codee, laakiin xaqiiqada jirto iyo taariikhda dib u baar, yaana lagu gaadin ee maskaxda ha furnaato. 

[adsenseyu2]

 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x