Amal Aden wey naga beensheegatay, waxeyna sheegtay iney heshay 40 e-mail oo hanjabaad ah

0
217

Tifaftiraha wargeyska Utrop Majoran Vivekananthan, ayaa maqaal uu maalintii shaley aheyd soo daabacey, calaamad su`aal ku saarey run ahaanshaha hajnabaada ay sheegto Amal Aden iney hesho. Wuxuu si gaar ah usoo qaatey 322 hanjabaadood oo Amal ay sheegtay iney heshay bishii hore, kadib markii ay maqaal ka qortey gabar soomaaliyeed oo lagu magacaabo Faadumo. 

Majoran Vivekananthan ayaa sheegay inuu xiriir la sameeyay Amal Aden isaga oo ka codsadey iney usoo dirto qaar kamid ah hanjabaadaha loo soo direy, balse wuxuu sheegay iney Amal ka leex-leexatay soo diristooda, ugu dabneyna ay telefoonka ka qaban weyday, uguna soo jawaabi weyday qoraalkii uu ugu direy barta Facebooga.

 

Intaas kadib ayuu eedeeyay tifaftirayaasha wargeysyada waaweyn ee wadankan, isaga oo sheegay ineysan Amal weydiin cadeymaha hanjabaadaha ay sheegto iney la kulanto. Wuxuuna sheegay iney dhibaato dimuqraadiyadeed ay tahay, hadii eedeymo qowmiyad dhan sumcad daro usoo jiidayo, aan qofka la weydiineyn cadeyntooda. 

[adsenseyu2]

Maqaalka Majoran Vivekananthan ayaa daba socdo, kadib markii gudoomiyaha gobalka Vest-Agder uu sheegay inuu baaritaan ku sameeyay eedeymo ay Amal sheegtay in loo diidey iney raacdo tagaasida magaalooyin ay kamid tahay Kristiansand. Wuxuuna gudoomiyaha gobalkaas sheegay inuu Amal ka codsadey iney usoo dirto cadeymaha sheegaya in Tagsi loo diidey, laakiin cadeymaha ay Amal usoo dirtey ay ahaayeen kuwa aan gacan buuxin karin, isla markaana aan u qalmin eedeymaha Amal ee saameynta weyn ku yeelanaya dadka tagaasida wada.

Booliska Oslo, ayaa jawaab ka bixiyey maqaalka tifaftiraha wargeyska Utrop, waxeyna sheegeen iney ka warqabaan hanjabaad ay Amal heshay. 

Maanta ayuu mar kale maqaal kale soo daabacey Majoran Vivekananthan, isaga oo markaan soo xiganayo dhacdo uu la kulmey wiil dhalinyaro,l siyaasi ah ah oo lagu magacaabo Ismaaciil A. Xuseen.  Ismaaciil ayaa horey u qorey maqaal NorSom News lagu soo daabacay, oo cinwaankiisu ahaa: Definisjonen på galskap er å gjøre det samme igjen og igjen og forvente et nytt resultat.

Ismaaciil ayaa sheegay in 28. bishii Oktoober ee sanadkii 2014 uu la kulmey Amal oo markaas hadal ka jeedineysay degmada Vågan ee woqooyiga Norway, isaga iyo dhalinyaro kale oo soomaali ah oo isku guri ay degenaayeen. Wuxuuna sheegay in markaas uu ahaa 18 sano jir, wadankana uu joogey sadex sano oo kali ah. 

Waxaan aad ugu faansanaa qofka imaanayo ee la iigu sheegay iney tahay qoraa soomaali. Waxey u muuqatey arin dhiiragalin leh, maadaama anigu laftirkeyga aan waligey jeclaa inaan wax qoro. Qofkaas ilaa aan la kulmey maalintaas aqoon uma laheyn. Waana taageersanaa, maadaama aan ku faraxsanaa in qof uu guul ku gaaro Norway, qoraana uu noqdo.

Mowduuca habeenkaas ay Amal Aden sheegtay iney ka hadleyso waxa uu ahaa dhibaatooyinka mukhaadaraadka. Halmarna lama soo hadalqaadin mowduucii habeenkaas loo yimid in meesha looga hadlo. Laakiin waxaa wax badan laga hadley waxyaabo kale oo badan. Waxaa lagu bilaabey soomaalida waa reer NAV, reer Nav-na waa soomaali. 

bmgbSubixii kaas ku xigey oo ku aadan 29.Oktober sanadkii 2014, ayaa akhriyey wargeyska lokalka ah ee deegaanka, waana yaabay. Waxaa ku qornaa in Amal Aden ay u hanjabeen qaar kamid ah soomaalidii meesha joogtay. Waxeyna Amal Aden sheegtay iney 40 e-mail oo hanjabaad ah usoo direen qaar kamid ah dhalinyaradii joogey meeshii ay ku hadleysay. Waxeyna raacisay in qaar kamid ah hanjabaadaha si toos ah ula kulantay. 

Ismaaciil Xuseen ayaa sheegay inuu aqoon fiican u lahaa sadexdii kale ee dhalinyarada soomaalida ah ee meesha joogtay. Wuxuuna sheegay in kuligood ay af kala qaad ku noqotay eedeymaha Amal. Deegaanka dhanba waxaa dagan 10 dhalinyaro soomaali ah, afar kamid ahna waxey joogeen meesha ay ka hadleysay. Waxeyna dhalinyaradaas isku raaceen ineysan u hanjabin Amal. 

Waxaan Norwey imid 2012, laakiin wiilasha kale qaar kamid ah waxey wadanka joogeen hal sano oo kali ah. Waxaana ogahay ineysan awoodin iney soo helaan e-mailkeeda sida ay ayadu sheegtay. 

Deegaanka ay ismaaciil iyo saaxiibadii kunool yihiin waa deegaan aad u yar oo dadka dhan ay is wada yaqaanaan. Waxey hadalheynta wiilashan noqdeen mid qof walbaa uu afka ku hayo. 

Ismaaciil ayaa sheegay in hanjabaadahaas ay Amal sheegeyso aan booliska loo gudbin ama baaritaan lagu sameyn, laakiin looga tagey meeshoodii. Arintaas ay dhibaato dareen ah usoo jiidey dhalinyarada, maadaama qof walbaa uu ku tuhmi karo iney iyaga ka danbeeyeen hanjabaada. 

Dadka norwiijiga ah ee kunool deegaanka oo dhan iyada ayay rumeeyeen, anaga lanama rumeysan.

 

 

 

Waxaan xiriir la sameynay qofkii soo qabanqaabiyey kulanka Amal, waxaana ka codsaney iney xiriir la sameeyaan Amal Aden, ayna weydiiyaan qofka u hanjabey magaciisa, si sheekada loo soo afjaro. Waxaana dareensaneyn in sida kali ah ee aan isku difaaci karno ay aheyd in Amal ay sheegto qofka u hanjaby.  

Utrop ayaa Ismaaciil weydiiyey inuu u maleynayo iney Amal been sheegayso:

Waxa laga hadlayo taas ma ahan. Waa iney wax walba u sheegtaa sidii ay ahaayeen, oo aysan la imaan eedeymo laga badbadiyey. Waxaa habooneyd iney hanjabaada loo jeediyey tusto dadka waaweyn ee meesha joogey, ama dacwad u gudbiso booliska, si loo soo afjaro dhinacna la  isaga dhigo.

Ismaaciil ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu si fool ka fool ah ula kulmo Amal. Wuxuuna ka codsadey Utrop iyo journaalada kale iney Amal ku wada casuumaan kulan. 

Waxaan rabaa inaan weydiiyo sababta ay noo eedeysay, iyo sababto iney fahansaneyd dhibaatooyinka ka imaan karey arintaas. 

Wuxuu sheegay inuu maqaalo ka qorey arintas Amaal, uuna u gudbiyey warbaahinta waaweyn sida NRK, laakiin aan looga soo jawaabin maqaalkiisa, aana lasii gudbin. 

Gard Eide Larsen oo katirsan kommunaha Vågan ayaa Utrop u xaqiijiyey dhacdadaas ay wiilasha soomaalida ah la kulmeen. 

Waxaan la socdaa dhacdadan. Si dhab ah ayaa u qaadaney eedeymaha lasheegayay, waxaana la hadalney dhalinyaradii. Waxeyna dareensanaayeen in xaqdaro laga galey oo arinta ayaga lagu soo qaloociyey. Si arinta looga gun-gaarana, waxey aheyd in booliska dacwad loo gudbiyo. 

Amal Aden waxaa ku waajib ahaa iney ugu yaraan booliska usoo bandhigto eedeymahaas. Degmada Vågan waa meel aad u yar oo dadku ay is wada yaqaanaan. Hadii dacwad la gudbin lahaa, waxaa fududaan laheyd in lasoo helo qofka dhibaatada geystay.

Waxaan xiriir la sameynay Amal, laakiin ma aysan rabin iney dacwad gudbiso. Waxaan ku fakarayaa hada iney aheyd iney dacwad u gudbiso eedeymahaas waaweyn, intii ay hawada uga tagi laheyd. 

Xigasho/kilde: Utrop.no

[adsenseyu2]

 

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments