torsdag, april 25, 2024

14 jir soomaali oo lagu diley Kristiansand

Waxaa shaley magaalada Kristiansand mindi lagu diley labo qof oo kala ahaa haweeneyd macalimad ka ah Barnehage iyo wiil 14 jir soomaali ah. 

Booliska Kristiansand ayaa saaka soo saarey macluumaadka labadan qof ee shaley mindida lagu dilay. Waxaana wiilka soomaaliga ah ee geeriyooday lagu magacaabi jirey A.U.N Jacquub Cabdullahi Hassan oo dhigan jiray klasska 9-aad, ahaana 14 sano jir. Halka haweeneyda geeriyooteyna magaceedu uu ahaa Tone iIebekk oo 48 sano sano jir aheyd. Waxeyna Tone aheyd hooyo heysato labo caruur ah. 

Sida ay qorayaan warbaahintu, wax xiriir ah ama aqoon ah kama dhaxeyn wiilkan soomaaliga iyo haweenayda isku meesha lagu diley. 

Boolisku ayaa ilaa hada aan gacanta ku soo dhigin dadkii ka danbeeyay dilkan wuxuushnimada ah, waxeyna wadaan baaritaano waaweyn oo ku raadinayaan dadkii falkan ka danbeeyay. Booliska ayaa ka codsadeen dadweynaha iney xiriir la soo sameeyaan, hadii ay wax macluumaad ah ka hayaan falkan. Sida ay sheegeen booliska waxa xiliga uu falkan dhacayay oo aheyd abaare 16-kii galabnimo, ka agdhawaa goobta uu falkan ka dhacay dad toboneeyo gaaraya. 

Iskuulka uu dhigan Yacquub ayaa maanta lagu sameeyay xus, iyada maamulaha iskuulka uu sheegay in dhamaana ardada dhigata iskuulka iyo macalimiintaba, ay ka argagaxsanyihiin in ardey kamid ah ardadooda maalin cad lagu dilo wadooyinka Kristiansand. Waxeyna sheegeen iney diyaar u yihiin iney caawiyaan, gacana siiyaan familka yacquub ee lasoo daristay xaaladan murugada leh.

NorSom News ayaa isku deyday iney la xiriirto xildhibaan Abdullahi Allason oo ah xildhibaan laga soo doorto deegaanka Kristiansand, laakiin nooma suurtogalin.

Wixii macluumaad ah ee kusoo kordha filka wiilkan, gadaal ayaan kasoo galin doonaa

Xigasho/kilde: TV2.NO, FVN.NO,.

[adsenseyu2]

 

 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x