fredag, mars 29, 2024

Elvis Nwosu: Xisbiyada AP, SV,Rødt iyo kuwo lamidka ah, waxey noo yimaadaan markey codad rabaan

Siyaasiga Elvis Chi Nwosu oo kamid ahaa siyaasiyiintii faro ku tirista ahaa ee kasoo qeybgaley banaanbixii shaley ka dhacay Oslo ayaa sheegay in xisbiyada AP iyo xulafadiisu ay ajaaniibta u yimaadaan markii ay codad rabaan, balse marka dhibaato ajaaniibta qabsato la waayo meeley ka baxeen.

Elvis oo ka tirsan xisbiga laftir ahaantiisa ka tirsan xisbiga AP ayaa sheegay in go-aankan aan Listhaug kaligeed lagu eedeyn karin, maadaama ay xisbiyada kaleba ay hada ka aamusanyihiin. Waxa uuna ka codsadey dadka kujiro liisaska musharaxiinta baarlamaanka ay kasoo baxaan godadka oo arintan ay ka hadlaan, waxna ka qabtaan.

Elvis ayaa mar kale ku celiyay in dhibaatadan aysan dhibaato soomaaliyeed oo kaliya, balse ay tahay dhibaato soo gaartey ajaaniibta iyo qoxootiga reer Norway oo dhan. Hadii maanta soomaalidu ay tahay, bari waxaa ku xigi kara nigerianka, saa danbana waxaa ku xigi doonto qolo kale oo maanta nabad-qabta. Wuxuuna hadalkiisa raaciyey in soomaalidu ay arintan kaligeed xalin karin, sidaas darteedna loo baahanyahay xulufeysi ka madax banaan diin iyo qowmiyad, kaas oo arintan si wadajir ah wax uga qabto. 

Siyaasigan oo asal ahaan kasoo jeedo wadanka Nigeria ayaa sheegay in Norway ay mustaqbalka u baahantahay soomaalida, soomaaliduna ay Norway u baahantahay. Ardeyda soomaaliyeed ee hada jaamacadaha dhigato waxey noqon doonaan dhakhaatiir iyo aqoonyahano ka qeybqaato dhismaha wadankan Norway.

[adsenseyu2]

 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x