Xisbiga SV oo jago baarlamaan u sharaxay gabadhii labaad oo soomaali ah

0
111
Foto:(Privat/facebook)

Xisbiga SV, qeybtiisa gobalka Telemark ayaa booska afaraad ee musharaxiinta u tartamayo xildhibaanada baarlamaanka Norway soo galiyey gabar dhalinyaro soomaali ah, oo lagu magacaabo Amino Bile. Waxeyna Aamino booskan kula jirtaa siyaasiyiin caan ka ah gobalka oo ka tirsan xisbigaas SV. 

Amino ayaa noqoneyso qofkii labaad ee xisbiga SV uu usoo sharaxo jago musharax baarlamaan ugu tartami doono gobol aad u weyn. Waxaana ka horeeyay Marian Abdi Xuseen oo kamid ah musharaxiinta xisbiga SV ee magaalada Oslo. 

SV wax xildhibaan ah kuma lahan shanta xildhibaan ee baarlamaanka Norway hada fadhiyo ee kasoo gala gobalka Telemark.  Sidaas darteed waxaa calaamad su´aal la saari karaa jaaniska ah in 4 xildhibaan oo SV katirsan ay baarlamaanka kasoo galaan gobalkaas, doorashada soo socoto ee 2017. 

Generation cusub:

Waxaa aad usoo badanayo tirada dhalinyarada soomaaliyeed ee wadanka ku korey ama ku dhashey ee siyaasada kasoo dhex muuqanayo. Waxaana jiro ififaalo xoogan oo ku aadan in dhowr sano kadib la heli doono dhalinyaro soomaaliyeed oo siyaasada wadanka boosas muhiim ah ka qabato. 

Dhamaan Ururuda dhalinyarada ee xisbiyada waaweyn, waxaa kujiro dhalinyaro soomaali ah oo heyso jagooyin muhiim ah. Tusaale ahaan ururka dhalinyarada xisbiga shaqaalaha ee AUF, waxaa kujiro dhalinyaro soomaaliyeed oo qaarkood ay hogaamiyaan laamaha ururkaas ee gobalada ama magaalooyinka waaweyn qaarkood.  

Fawzi Warsame oo ah wiil aad u dhalinyar oo  soomaali ah, ayaa kamid ah musharaxiinta xisbiga shaqaalahe Ap ugu tartami doono magaalada Oslo. 

Doorashada 2021: 

Hadii si run ah loo xisaabiyo jaaniska dhamaan dhalinyaradan soomaaliyeed ee u tartamayo jagooyinka baarlamaanka, waxaa soo baxeyso in jaaniskooda soo galitaanka baarlamaanka uu yahay mid aad u yar. Balse in boosas muhiim ah ay galaan doorashadan, waxey ka caawin doontaa in doorashada xigta ay helaan jaanis weyn oo u sahlayo iney baarlamaanka ka mid noqdaan. Waxeyna hadba ku xirantahay is muujintooda siyaasinimo iyo taageerada ay xisbiyadooda usoo jiidaan. 

Waana wax lagu farxo in dhalinyaro soomaaliyeed ay kasoo dhex muuqdaan siyaasada wadanka.

[adsenseyu2]

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments