fredag, april 19, 2024

Warbaahinta Norway oo ilaa hada aan hal xaraf ka qorin mudaaharaadkii Oslo

Warbaahinta Norway ayaa ilaa hada aan hal xaraf ka qorin mudaaharaadkii weynaa ee Oslo ka dhacay sabtidii lasoo dhaafey. Mudaaharaadkaas oo ay kasoo qeygaleen dad kor u dhaafaya 2000 qof.

NorSom News iyo qaar kamid ah akhristayaasha aadka ugu damqanayo qadiyada dadka soomaaliyeed ee 1600 gaarayo,  ayaa sawiro, muuqaalo iyo qoraalo u direy warbaahinta waaweyn ee Norway, sida NRK, VG, Aftenosten. Ilaa hada wax soo jawaabey ma hayno.

Qaar badan oo kamid ah ka qeybgalaasha mudaaharaadka ayaa sii saadaalinayey iney taasi dhici doonto, inta uusan banaanbuxu dhicin, iyaga oo ka tusaalo qaadanayo banaanbaxyo badan oo soomaalidu ay dhigeen, kaas oo aan lagu soo daabacin wargeysyada waaweyn ee wadanka. Dadka qaarkood ayaa sheegaya in Media-yaha wadanka ay jecelyihiin kaliya xumaanta ajaaniibta, gaar ahaan soomaalida. 

Qaar kamid ah dadka aqoonta saxaafadeed leh ayaa NorSom News u sheegay in warbaahinta Norway ee waaweyn, ay isbuucan dhan wixii ay xoog iyo tabar hayeen isugu geeyeen tabinta doorashada mareykankan, arintaasna ay noqon karto sabab keeneyso ineysan ahmiyad gaar ah siinin banaanbaxa soomaalida ee Oslo. 

Ururka soo qabanqaabiyey mudaaharaadka ayaa u mahadceliyay dhamaan dadkii kasoo qeybgaley banaanbaxa, kuwaas oo qabowga iyo dhaxanta taagnaa saacadaha badan. Waxeyna ka codsadeen ineysan ka niyadjabin arintaas, dadaalkoodana ay sii wadaan. Waxey sheegeen in muhiimada banaanbaxa ay aheyd in la isku baxo oo la muujiyo dareenka shacabka ee ku aadan go-aanka dowlada, taasna lagu guuleystay, maadaama 2000 qof isugu soo baxeen iyada oo baraf iyo dabeyl dhacayann. Waxey ka codsadeen dadkii soo baxey maalintaas, ineysan niyad jabin, hadii banaanbaxa lagu soo qiri waayey warbaahinta waaweyn.

Waxey hadalkooda raaciyeen iney hada dib isugu noqon doonaan, kana tashan doonaan talaabada xigta oo ay qaadayaan. Iyaga oo cadeey iney xiriiro lasoo sameeyeen ururo iyo hey-ado badan oo daneynaya arinta celista qoxootiga soomaaliyeed, sidaas darteedna talaabada xigta ay noqon doonto mid ka weyn banaanbixii sabtida.

Mid kamid ah Ururka banaanbaxa agaasimey ayaa noo sheegay iney xiriir la sameeyeen xarunta tvga al Jazeera ee magaalada Oslo, balse warihii fadhiyay warqabadka aljazeera uu maalintaas ka maqnaa magaalada.

[adsenseyu2]

 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x