torsdag, mars 28, 2024

War deg-deg ah: Dowlada Erna Solberg oo qarka u saaran iney dhacdo

Xisbiyada dowlada ayaa wali isla meel dhigi la´ qorshaha miisaaniyada sanadka 2017. Waxeyna wali xisbiyadu kala joogaan meelo aad u kala fog, iyada oo ay burbureen wada xaajoodyo la rabey in la isku soo dhaweeyo qorshayaasha xisbiyada ee ku aadan miisaaniyad sanadeedka 2017.

Xisbiga Venstre ayaa isaga baxey wadahadalada, iyaga oo sheegay ineysan aqbali karin qorshaha miisaaniyada, ee wasiirka maaliyada dowlada Norway Siv Jensenay soo bandhigtey. Waxeyna gabi ahaanba diideen iney kusoo noqdaan miiska wadahadalka, inta wax laga badalayo qodobada la isku heysto.

Dhanka kale xisbiga FRP ayaa sheegay iney sameeyeen tanaasul badan oo ku aadan qorshaha miisaaniyada, waxeyna intaas ku dareen iney sameyn doonaan tanaasul dheeri ah hadii loo baahdo.

Dowlada ay hogaamiso reysulwasaare Erna Solberg, ayaa qarka u saaran iney dhacdo. Maadaama xiligii miisaaniyada la horgeeni lahaa baarlamaanka uu soo dhawaaday, iyada oo aysan muuqaan wax heshiis ah oo xisbiyadu ay gaareen. Ma cada sida ay Erna Solberg rabto iney ku xaliso arintan, balse waxaa ku adkaan doonto iney wadanka sii maamusho, hadii miisaaniyada sanadka 2017 aysan taageero u helin.

Gudoomiyaha xisbiga Ap Jonas Gahr Større, ayaa meesha ka saarey in xisbiguusu uu taageero miisaaniyada sanadka 2017 oo ay dowladu soo bandhigtey, wuxuuna ka codsadey xisbiyada garabka midigta ah iney dhexdooda heshiis ka gaaraan. Større ayaa raaciyey inuusan isagu hada xiiso u qabin inuu la wareego maamulka dowlada, iyada oo aan la gaarin xiligii doorashada caadiga ahaa.

Siyaasiyiinta gobalada ee xisbiga FRP, ayaa iyagana sheegay iney diyaar u yihiin iney ka baxaan dowlada, hadii aan la meelmarin qorshaha miisaaniyada sanadka soo socdo ee 2017. Xisbiga FRP ayaan fulin balanqaadyo badan oo ay horey u sheegeen iney fulin doonaan, hadii ay dowlada soo galaan. Sidaas darteed waxey ansixinta miisaaniyadan u tahay mid muhiim ah, maadaama ay soo dhawaatay doorashadii baarlamaanka. 

[adsenseyu2]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x