torsdag, april 18, 2024

Qormo: Wanaaga iyo nolosha aad naftaada la rabtid, la jecloow walaalkaa

Bilowgii bishii Juni ee sanadkan ayey aheyd markii ay soo baxeen warar sheegaya, in Passport dadka ka yimid 31 wadan lagu qori doono «Ukjent» ama lama yaqaan booska dhalashada. Wararkaas oo ahaa kuwo si weyn u gilgilay dhamaan bulsho weynta ajaaniibta, gaar ahaan kuwa kasoo jeedo 31-kaas wadan.

Waan wada xasuusanaa sidii dhamaan soomaalida kunool Norway ay uga wada xumaatay go´aankaas, iyada oo lagu tilmaayo inuu ahaa go´aan ay ku dheehantahay midabtakoor iyo faquuq gooni ah. Maqaaxi walba oo soomaaliyeed wax kale loogama hadleynin aan arinta «ukjentiga» aheyn, qof walba oo soomaali ah oo kaasoo horbaxana wuxuu wax ka weydiinayay arintaas. Dadka facebooga iyo e-mailka nagula soo xiriiray, iyaga oo raba iney wax ka ogaadaan arintaas 100 kor waa u dhaafayeen.

Ma jirin qof dhahayay go´aankaas waa go´aan dowladeed ee aan u hogaansano ama anigu waxaan ku qanacsanahay in passportkeyga lagu qoro «Ukjent». Ma jirin qof dhahayay soomaalida maxaa ka khaldan, wadanka ay martida ku yihiin, may shuruucdiisa raacaan. Kii wadanka 30 sano degenaa yo kii shaley yimidba, waa la xanaaqsanaa. Qof walbana wuxuu diyaar u ahaa inuu dagaalamo, si arintaas wax looga qabto. Markiiba waxaa la uruuriyay lacag 20-kun gaareyso si advokat arinta galo loo qabto, waana la qabtay. Markii ugu horeysay taariikhda soomaalida Norway(inta aan ognahay) ayey wada qabsadeen qareen u gaar ah oo arinta soomaalida u dooda.

Dadku markeen dareemaan inay wax ka maqanyihiin ama in laga gardaranyahay orod badanaa oo hadal macaanaa. Wax walba waxaa ka daran dhiirinaanta iyo codkarnimada. Qof walbe wuxuu lasoo baxey geesinimo malaha guriga ugu tiirsaneyd, oo aan horey loo maqlin loona arkin. Qof walbana wuxuu u hadlayay, sidii in asaga uu yahay qofka kaliya ee dulmiga laga galay ama laga gardaranyahay.

«Ukjent» VS 2000 soomaali ah.

Nasiib wanaag hey´ada maamusha booliska oo malaha dareensan khaladaadka ka imaan karo arintaas, ayaa badashay go´aankii «ukjent», iyaga oo ku xaliyey qaab si uun u yara dhaama tan «Ukjentiga», balse aan aheyn xal rasmi ah oo dadka dhan ay ku wada qanceen.

Markii la ogaaday in arintii «Ukjentiga» ay meesha ka baxday, waxaa markiiba damay ama meesha ka baxay buuqii iyo guuxii wadanka hareeyay maalmo dhan. Dadkii dhiirinaa oo lahaa wax la qabto  ama kan hala sameeyo, ayaa halmar la wada waayay oo xabad xabad u dhuuntay.

Su´aal baad isweydiin kartaa ah, dadkaas shaley maxaa ka qeylisiiyay oo maanta ay la aamuseen?. Jawaabta waa cadahay, shaley dantooda ayey u dagaalamayeen oo u xiiqsanayaan, mar hadey taas gaareene, cid kale wax kama galin.

Go´aanka «ukjentiga», waxaa garab socday go´aanka kale ee dib u qiimeynta sharciyada soomaaliyeed ee aan wali qaadan sharciga degenaanshaha. Dadkaas oo gaarayo 1600, marka lagu daro 500 ee sharciga ku laheyn wadankan, waxey isku dar gaarayaan 2100 iyo ka badan.

Jaaliyada soomaaliyeed ee Norway, waxey muujisay dadaal iyo isku duubni ku aadan go´aankaas dowlada ee saameynta ku yeelanayo muwaadiniinta soomaaliyeed ee wadankan nalagu nool. Dadaalka ay reer Norway ay sameeyeen, waxaad ka ogaan kartaa in warkooda uu gaarey Muqdisho oo madaxda DFS su´aalaha ku saabsan celinta qoxootiga ay ka harsan la´yihiin iyo New-York oo warqad ay qaramada midoobey kasoo dirtay halkaas.

Hadaba waxaa yaab ah in qaar kamid ah dadkii shaley qaylinayay markii la yiri Passportka waxaa lagu qorayaa «Ukjent», ay maanta xaga kale kasoo jeesteen oo leeyihiin soomaalidu wadankoodii haku noqdeen. Makaa khaldan dadkaan, mey raacaan sharciyada wadanka qoxootinimada kusoo dhaweeyay. Wadankii wax idiin dhaama malahan ee ku noqdo. Wadankan dowlad ayaa kajirto sharciyada raaca oo qeylada joojiya. 

Hadalka madaxweyne Hassan Sh Mahamoud.

Dadka marka ay ka hadlayaan arinta celinta qoxootiga soomaaliyeed ee Norway, waxay mar walbe tusaale xun iyo mid fiicanba usoo qaadanayaan jawaabtii uu Hassan Sheikh ka bixiyay su´aasha laga weydiiyay arimaha Norway.

Waxaa cad oo qof walbe oo wareysiga daawaday uu fahmayaa in Hassan su´aasha loo hoos galiyay, oo uusan fahmin micnaha ay xambaarsantahay iyo baaxada ay leedahay. Hadii Hassan Sheikh loo sharixi lahaa dhibaatada qoxootiga soomaaliyeed ee Norway, gaar ahaan 1600- ee sharciyada heysto, ma uusan ku deg-degeen jawaabteeda. Hadii isaga oo og dhibaatada 1600 ee soomaalida ah uu sidaas u jawaabi lahaa, markaas ayaan la dhihi karey wuu khaldanyahay ama wuu saxanyahay.

Ajnabi hakuu dagaalamo, soomaalina haku niyad jabiso.

Tan iyo markii ay soo baxday tirada dadka soomaaliyeed ee saameynta uu ku yeelanayo go´aanka dowlada, waxaa is soo daba dhacayay cambaareynta ku aadan go´aankaas ee ka imaanayay hey´adaha xuquuqda iyo kuwo qoxootiga. Ururo ay kamid yihiin OMOD, Nye SOS Rasime, Anti Rasistisk iyo qaar kale ayaa safka hore u taagan ka hadalka arinta celinta qoxootiga soomaaliyeed. Mudaaharaadkii ugu danbeeyay, waxaa ka qeybgalay ilaa 15 urur oo ajaaniib ah. 

Inkasta oo mudaaharaadkii Oslo uu ahaa mid ay dad badan kasoo qeybgaleen, hadana Waxaa jiray sadex koox soomaali ah oo mudaaharaadka kasoo horjeeday, diidanaana inuu dhaco. 

  1. Koox dhalinyaro u badan oo kasoo horjeeday in mudaarahaad lala qabanqaabiyo ururka Nye Sos rasisme, balse sida kale mudaaharaadka taageersanaa.

  2. Koox siyaasiyiin hogaamineyso oo mudaaharaadka dantooda shaqsiyadeed ka dhex arki waayay, sidaas darteed mucaaraday. 

  3. Koox diidan oo gabi ahaanba kasoo horjeeday in mudaarahaad la qabto, si walbana isku dayay in mudaaharaadkaas ay baajiyaan. Ilaa ay qaarkood SMS u direen boqolaal qof, iyaga oo ka codsanayo inaan mudaaharaadka la aadin. Waxuuna hadafkooda ugu weyn uu ahaa inaan dhibaatada soomaaliyeed ee Norway, aysan caalamka intiisa kale gaarin. Kooxdan hadii loogu yeero kulan looga hadlayo gudniinka fircooniga, ayagaa kaa orod badan.

Soomaaliya qof walba oo muwaadin soomaaliyeed ah wuu jecelyahay, inuu ku noqdana wuu rabaa. Laakiin waxaa jirto dan iyo duruuf dadka shaley kasoo qixisay wadankoodii, maantana wali kajirto. Sidaas darteed waxaa soomaalida Norway qaarkood la gudboon iney ka fiirsadaan hadalada deel-qaafka ah oo dadka lagu nijad jabinayo. 

Maxaan FRP iyo sylvi Listhaug wax ka sheegnaa, anigaaba boqolaal Listhaug ka daran noo joogaane.

[adsenseyu2]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x