Kulan  looga hadlaayay miisaaniyada-sanadeedka  2017  oo ay isugu yimaaden afarta xisbi ee wadanka ka taliya, ayaa markale is afgaran waa ku dhamaadey. Waxaana xiligii kama danbaysta ahayd ee loo qabtey xisbiyada iney natiijo ku gaaraan, ka harey hal todobaad oo kaliya.

Gudoomiyaha xisbiga Venstre Trine Skei Grande iyo Gudoomiyaha xisbiga KrF Knut Arild,  ayaa iskaga  baxay kulankii xalay, kadib markii uu isfahan waa ka yimid qaabka loo qorsheynayo miisaaniyada dowlada ee sanadka 2017.

« Kadib jawaab celintan aan siinay, waxaan u malaynayaa in dowladu ay heshay arimo badan oo u baahan in laga fakaro, walina meel adag ayay maraysaa Ayay tiri gudoomiyaha Venstre Trine Skei Grand»

Sidoo kale gudoomiyaha xisbiga KRF knut Arild , ayaa sheegay inay meel adag ay marayaan wada-hadaladu , walina isma dhiibin oo kama tanaasulin qorshaha xisbigiisa ee miisaaniyada. Laakiin wuxuu sheegay iney jeclaan lahaayeen iney talaabo horey u qaadaan, balse aysan suurtogalin taas.

Wada hadal dheer oo Labo saac iyo bar qaatey kadib, ayay ku kala kaceen fadhigoodii, waxna aan meel isla dhigin. Waxaana hada ka dhiman todobaad  kaliya, xiligii loo qabtay in miisaaniyadeed-saneedka la horkeeno baarlamaanka. Hadii aysan waqtigaa yarka ee u dhiman ku keeni waayan miisaaniyad, Waxaa lagu qasbi doonaa inay dowladu is casisho oo ay meesha banayso.

Xisbiyada KRF iyo Venstre ayaa caawa shirka u tagey iyagoo isku dhinac ah, sidii ay dowlada ugala hadli lahaayeen, wax kabadalka qorsha qiimo dhimista shidaalka baabuurta oo ay dowladu qorsheysay. Laakiin Høyre iyo FRP ayaa ka biyo diidey qorshohooda.

Baarlamaanka ayaa sida uu qorshahu yahay  ka doodi doona miisaniyada , 5-ta bisha soo socoto ee desember, gadaal na looma dhigo karo xiligaas.

Dhanka kale gudoomiyaha xisbiga Ap Jonas Gahr Større ayaan wali jawaab cad ka bixin inuu diyaar u yahay inuu la wareego hogaanka dowlada, hadii ay xisbiyada hada joogo isla fahmi waayaan miisaaniyada sanadka 2017.

Xigasho/kilde: VG.no

legg igjen kommentar/ ka dhiibo fikirkaaga

Bli den første som kommenterer/dhiibo fikirkaaga

Notify of
avatar
wpDiscuz