Taliyaha laanta socdaalka: Norway dadka iyagaa kasoo noqdo ee qasab laguma soo celiyo

1
164

Taliyaha laanta socdaalka dowlada soomaaliya, Maxamed Aadan Koofi oo wareysi siinayay mid kamid ah wariyeyaasha ka howlgala magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dadka laga soo dajiyayay garoonka Muqdisho ee laga keenay Norway, ay ahaayeen dad iyagu iskood u goostay iney Soomaaliya dib u noqdaan.

Taliye Koofi ayaa sheegay in haba yaraatee aysan jirin dad si khasab ah looga soo celiyay Norway, oo laga soo dajiyay magaalada Muqdisho. Isla markaana ay laanta socdaalku kahor tagi laheyd hadii ay jiraan dad si khasab ah Soomaaliya loogu soo celiyay.

Halka ka daawo wareysiga Koofi oo dhameystiran

Maxaa run ah:

Ururka magangalyo doonayaasha Norway ee NOAS ayaa sheegay in sanadkan gudahiisa Soomaaliya ay dowlada Norway ku celisay dad gaarayo ilaa 8 qof. Sidoo kale bishii September ee sanadkan ayaa waxaa la xaqiijiyay in Soomaaliya loo masaafuriyay dad soomaaliyeed soomaaliyeed oo gaarayo ilaa 10 qof.

Halkan ka daawo mid kamid ah dadka sida qasabka ah Soomaaliya looga dajiyay oo wareysi siinayo TVga universal.

Halkan ka dhageyso codka muwaadin kale oo soomaali oo Norway laga tarxiiley bishii September ee sanadkan.

Halkan ka dhageyso muwaadin 3-aad oo soomaali ah oo Norway laga tarxiilay

Dadkan ayaa badankooda u badan kuwa si khasab ah wadanka looga saarey, waxeyna intooda badan la sheegay iney ka koobanyihiin dad wax danbiyo ah aan wadanka ka galin, balse loo diiday sharciga magangalyada wadankan Norway.

Bishii October ayey dowlada Norway soo saartey go-aan ah iney dib u qiimeyn ku sameyn doonto sharciyada magangalyada ilaa 1600 qof oo soomaali, waxaana kamid ah haween iyo caruur qaarkood ay wadankan ku dhasheen ama ku koreen. 

 

[adsenseyu2]

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

1 Comment
oldest
newest most voted
Inline Feedbacks
View all comments
abdirahman ali odasuge

nacalad baa ku taala wasaqa laa qareysatay been buu sheega daadka somaliyed maa jiiro hal qof oo raabi tankisa laagu ceeliyay qasab baa laagu ceeliyay oo tuugada xamar joogyana lacaag ba laa siiyay