torsdag, april 25, 2024

Siyaasiyiinta soomaalida xisbiga (Ap) oo inkirey in xisbigooda uu lug ku leeyahay heshiiska sababey dib u celinta

Qaar kamid ah siyaasiyiinta soomaalida xisbiga shaqaalaha ee arbeidspartiet ayaa sheegay in xisbigooda Ap uusan lug ku laheyn heshiiska ay dowladu ay u cuskaneyso dib u qiimeynta sharciyada qoxootiga soomaaliyeed ee gaaraya 1600.

Siyaasiyiintan oo ka qeybgaley dood uu qabtey tvga qaranka soomaaliyeed ee SNTV, ayaa sheegay in go-aanka dib u celinta uu yahay mid ka yimid dowlada hada talada heyso, isla markaana aysan taageero uga baahneyn xisbiga (Ap), maadaama ay ayagu hadaba heystaan kuraas ku filan oo ay ku ansixiyeen heshiisyada noocan oo kale ah. 

Waxaa xaqiiqo ah in Ap uu kamid ahaa xisbiyadii saxiixey heshiiskii ka koobnaa 18-ka qodob, kaas oo dowlada hada talada heyso ay u cuskaneyso dib u celinta iyo dib u qiimenyta sharciyada muwaadiniinta soomaaliyeed. Balse hadana, waxaa jirto in xitaa hadii uu Ap banaanka ka joogi lahaa heshiiskaas uu wali noqon lahaa mid socon kara, maadaama heshiiska ay saxiixeen shan xisbi oo kale. Laakiin Ap maadaama uu wax ka saxiixey, lama dhihi karo Ap lug kuma lahan.

Qodobka 5-aad ee heshiiskan ayay si cad oo muran kujirin ugu qorantahay in dib u qiimeyn lagu sameyn karo magangalyada qoxootiga, hadii ay nabad ka dhalato wadankii uu qofkaas ka soo qaxey. Qodobka 5-aad ee heshiiskaas ayaana ah kan dowladu ay hada u adeegsaneyso dib u qiimenya iyo celinta qoxootiga soomaaliyeed ee gaaraya 1600. 

Siyaasiyiinta soomaaliyeed ayaa sheegay in heshiiskaas ay dowladu hada si guracan u adeegsaneyso, taasna aysan aheyn arin uu raali ka yahay xisbiga AP. Hadii uu xisbiga Ap kasoo horjeedo celinta qoxootiga soomaaliyeed, maxey ilaa hada uga aamusanyihiin oo aysan war uga soo saarin?

Doodan ayey siyaasiyiintan uga hadleen dhibaatooyin iyo caqabado badan oo soo wajaha siyaasiyiinta ajaaniibta, gaar ahaan soomaalida marka ay ku jiraan siyaasada iyo hardanka xisbiyada siyaasada ee wadankan. 

Qaar kamid ah siyaasiyiinta ka qeybgaley dooda ayaa sheegay iney wadaan abaabulka banaanbax weyn oo jaaliyada soomaaliyeed ay dhigto, kaas oo isku mar ka dhici doono magaalooyinka waaweyn ee wadankan. Waxeyna sheegeen in dibadbaxaas uu yahay mid u gaar ah jaaliyada soomaaliyeed ee Norway.

Halkan ka daawo dooda siyaasiyiinta oo dhameystiran iyo Xasan Raasto.

[adsenseyu2]

 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x