Waxaa lagu guda jiraa xiliyadii imtixaanada semisterka iskuulada, Jaamacadaha, iyo dhamaan goobaha waxbarshada ay bilaaban jireen. Ardo badan ayaa waxaa xiliyadan oo kale la soo darso walwal iyo cabsi ay ka qabaan imtixaanada. Waana xaalad ay dhamaan ardeydu kawada siman yahiin.

Maalmahaas imtixaanada ay socdaan ardada qaarkood hurduda ayaa ku xumaato, qaarna daryeelka naftooda ayayba iska ilaawaan oo dayacaan. Lakiin waxaa xaqiiqo ah hadii aad si fiican oo wax ku ool ah, aad uga faa’ideysato waqtiga aad haysato, uu imtixaanku kuu noqondoono mid kuu fududaada. 

Waxaan halkan idinkugu soo gudbinaynaa talooyin wanaagsan oo kaa caawindoono, inaad isku diyaariso imtixaanada dhamaadka sanad ee iskuulka, kuuna sahlaya inaad natiijo fiican keentid. 

Talooyinkan waxaan ka soo xiganay studenttorget.no, Universitetsavisa.no iyo aftenbladet.no

Aragtida guud iyo diyaargarow (Få oversikt)

Waxaa marka ugu horeysa muhiimada saartaa, inaad warbaxin buuxda oo kugu filan aad hesho. Waydii macalinkaaga, ardada iskuulka kula dhigata iyo sidoo kale qofkii aad is leedahay waxbuu kugu kordhinkaraa, tusaale ahaan ardada fasalka kaa sarayso.

Hadii imtixaanka aad galayso laguu ogalyahay inaad soo qaadato caawimaad (Hjelpemidler), ku dadaal inaad sii diyaarsato dokumentka aad qaadanayso una habayso si qurux badan, si aadan ugu wareerin markaad qolka imtixaanka ku dhex jirto.  Sidoo kale u diyaarso waraaqahaaga si habeysan, si aad deg deg uga heli karto hadii aad u baahato inta aad ku guda jirto imtixaanka.

Iska xir ama iska dami internetka, telefoonkana iska dheeree ( lukk nettleseren) 

Inta aad ku jirto diyaargarowga iyo akhriska imtixaanka, iska xir internettka hadii aadan u baahneyn, telefoonkaagana dami/iska dheeree. Sosial mediaha ayaa noqday waxa ugu badan ee ardada xiliyadan badan ka mashquulinkaraa wax aqriska. Hadii aad awoodo guriga isaga bax, oo buugaagtada iyo dokumentigaga u qaado biblioteka iyo goobaha wax aqriska loogu tala galay.

Aqri  Imtixaanadii sanadahii la soo dhaafay (øve på gamle eksamener)

Qaab dhismeedka imtixaanada badanaa waa isku mid. Hadii aad aqriso imtixaanadii maadadaas ee sanadahii hore, aadna kuna tabobarato, waxaad fikir heleysaa muuqaalka guud ee imtixaanka siduu noqondoono. Waxaad sidoo kale ka ogaankartaa inta su’aalood ee imtixaanku yahay iyo qaybaha uu macalinka uu awooda badan saaro. Imtinaaxadii hore, waxaa badanaa ka helaysaa qolka maadada ee fronterka ama e-lærlingka. 

Qaado Nasasho biririf ( Ta Pauser)

Aqriska badan oo aadan  nasasho (biririf) ah u dhaxeysiin, waxaa laga yaabaa inuu culeysbadan  maskaxda ka fuulo, feejignaantaadana ay hoos u dhacdo. Sidaa darteed u samayso aqriskaaga qaab dhismeed wanaagsan , tusaale u qaybi maadada cutubyo ama dulucyo, una aqri qayb qayb. Markii aad hal qayb dhamaysana ka qaado biririf ama xooga nasasho ah ,Kadibna bilow cutubka xiga.

Diyaarso qoraalo gaaban:(lag egne notater)

Marka walba oo aad mowduuc ama cutub akhriso, ka samee qoraal gaaban oo mowduucaas koobaya. Qoraalkaas gaaban wuxuu kaa caawinayaa inaad si kooban u dulmarto, maalmaha uu imtixaanka soo dhawaado. 

Hurdo kugu filan seexo ( Sov godt)

Iska ilaali inaad hamaynkii xiliga hurdada aad wax aqrisato. Ka faaidayso maalintii oo dhan oo wax aqriso. Hurdada habeenkii , waxaad ka heleysaa awood iyo quwad dheeraad ah. Waxaa sidoo kale  ka helaysaa cafimaad, firfircooni iyo  inaadan malintii oo dhan aadan dareemin daal iyo caajis. Habeenkii si fiican seexo oo maalintii wax akhri(ikke motsatt)

Cunto wanaagsan oo caafimaad leh cun ( Spis sunt)

Inkastoo ay mar walba wanaagsan tahay inaad cunto caafimaad leh cunto, hadana markii lagu gudo jiro xiliyada imtixaanada aad ayay muhiimad dheeri ah usii leedahay.

Ha cunin cuntada ay sonkorta ku badan tahay, sida Shukolaatada, Coco colaha i.w.m. Waxay saamayn badan ku yeeshaan fejignaantada (Konsentrasjon). Sababtoo ah sonkorta dhiigaga ayaa noqonayso mid aan deganayn, balse ku dadaal cuntada sonkorta dhiiga ka dhigto mid degan sida qudaarta cagaaran, fruktiga, biyo iyo cuntada kale oo wanaagsan.

Imtixaanka afka la iskaga qaado ( Muntlig eksamen)

Dad badan ayaa markii ay imtixaanka afka leeyahiin, ayna hor fadhiistan macalimiinta, waxay ka kulmaan  qal qal iyo isku dhex yaac, kuwa kalane wayba ilaawaan casharadii ay mudada badan ay soo aqrinayeen.

Xasuusnow inaad hor fadhiso qof kula mid ah. Waxii aad taqaaney ama lagu soo barey, waxaan ahayne aan lagu waydiinayn. Inaad si waanagsan oo deganaansho leh aad ula sheekeysato imtixaan-qaadayashaasha, ayaa ah guusha ugu weyn weyn imtixaanka noocaan oo kale ah. Ogsoonow hadii aad fahmi wayso su’aasha lagu waydiiyay, xaq baad u leedahay inaad dhahdo iigu celi oo ii sharax.

Galabta maalinka imtixaanka ka horeeya iska da wax aqriska ( Etter-middagen før eksamen Legg vekk bøkene)

Galabta imtixaanka ka horeysa meel iska dhig buugaagta iyo wax aqriskaba.

1) Diyaarso alaabta aad u baahantahay oo dhan

2) Fiidka hore seexo, si aroortii adoo fresh ah aad usoo kacdo. 

3) Alarm ku xiro labo Mobil oo kala duwan, si hadii mid uu shaqeyn waayo, uu kan kale kuu kiciyo.

4) Lacag meel kusii diyaarso, lacala busska ama tog uu istaago, si aad taxi u qaadato.

5) Quraac fiican soo cun, cunto iyo matpakke horey usoo qaado. Imtixaanada badankooda, waa la ogolyahay in cunto lagu dhex cuno. Adiga oo baahan, maskaxdaadu ma awoodo iney feejignaato ama konsentrasjon sameyso. 

6) Niyad wanaagsan ku imow maalinkaas.

legg igjen kommentar/ ka dhiibo fikirkaaga

Bli den første som kommenterer/dhiibo fikirkaaga

Notify of
avatar
wpDiscuz