Siyaasiyiintu marka ay rabaan iney bulshadeena soomaaliyeed wax ka sheegeen, waxa ugu horeeyo oo carabka ku dhuftaan waa shaqo la´aanta, taas oo noqotay arin si gaar ah loogu xanto soomaalida Norway. Sababtu waxey rabto ha noqotee soomaalidu waa qowmiyada ugu shaqo yar guud ahaan mutjamaca, gaar ahaana ajaaniibta marka qowmiyado loo qeybiyo. 

Dadkeenu ma ahan caajislowyaal sida nalagu xanto, balse meel ayay weysadu iska qabsan la´dahay. Warbaahinta NorSom News waxey bulshada soomaaliyeed ee shaqo raadiska ah usoo tabineyso lix  waxyaabood oo ay sameyn karaan, si ay ugu fududaato iney shaqo helaan.

Hadii aad shaqo la’aan tahay, waxaad haysataa waqti badan oo firaaqo ah, taasna ma ahan macnaheedu inaad guriga iska fadhiisato ama maqaaxiyaha aad online ka noqoto. Balse waa inaad dadaal dheeri ah samaysaa si aad suuqa shaqada oo aan ogsoonahay inuu tartan adag ka jiro aadan ugu harin tartankaas.

lixdan talooyin ee ku saabsan shaqo helista, waxaan kasoo xiganey karrierestart.no

1) Iskaa wax u qabso ama tabarucid ( frivillig arbeid)

Inaad ku shaqaysaa iskaa wax u qabso waxay kor uqaadeysaa inaad shaqo hesho. Waxay sidoo kale kuu sahlaysaa inad barato mujtamac cusub ama aad hesho saaxiibo kale, sidoo kalane Luuqada norwijiyaanka inay ku sii wanaagsanaanto.

Hadii aad tahay qof ku fiican maado sida xisaabta, English iyo iwm ama aad tahay macalin shaqo la‘aan ah, waxaad si tabarucaad ah ugu shaqaynkartaa ha’ada bisha cas (Røde kors) ee ka cawisa casharada ardayda iskuulada. Ama waxad sidoo kale shaqaynkartaa qaybta aktivitetka ee Røde kors.  Hadii aad sidoo kale ku fiican tahay webdesigner waxaad si tabarucaad ku caawinkartaa ha’ayada samafalka waxaadna u samaynkartaa bogga ay internetka ku leeyahiin.

Xasuusnow inaad  ka soo qaadato shahaado(attest) cadeynaya inad u shaqaysay, waana inaad  meel kuwada aruursato  dhamaan shahaadooyinka cadeynaya shaqooyinka aad iska wax u qabto kusoo qabatey. Gadaal danbe ayay ku anfacayaan.

2) Cusboonaysiin xirfadada ( Hold deg oppdatert)

Hadii  aadan lahayn xirfada  looga bahan yahay shaqada aad rabto, waa inaad waqtiga firaaqada aad haysato galisaa sidii aad u kordhisan lahayd xirfadaada. Isku dey inaad Ka qayb gasho koorsooyinka ku saabsan xirfada aad rabto inaad ku shaqayso. Waxaad sidoo kale heli kartaa waxbarasho dadka waa wayn oo kaa caawin karto in tayada CVgaaga uu kor u kaco. Sidoo kale internetka ayaad ka heli kartaa koorsooyin bilaash ah ama kuwo lacag yar lagu iibsado, kuwaas oo adiga oo gurigaaga iyo caruurtaada la joogo aad cilmi ka kororsan kartid. 

3) Nettverk ( Xariirka bulshada)

Xiriirka wanagsan aad bulshada ku dhex leedahay, waxay kaa caawin kartaa inaad shaqo hesho. Labo arimood ayaa muhiim ah inaad samaysaa si uu xariirka bulshada dhexdeeda kugu wanaagsanaado.

a)Inaad asxaabtaadii hore aad xiriir la samayso iyo inaad sidoo kale isku deydo inaad kuwa cusub samaysato. La xariir asxaabtadii hore waxaa laga yaaba inay kaa cawiyaan  inaad shaqo hesho, tusaale ahaan waxad la xiriirkartaa macalimiintadii hore, asxaabtii iyo madaxdii ugu saraysay meelahii aad ka shaqaynjirtay waagii hore.

b)Hadii ay kuu suurtoobi wayso intaas oo dhan, isku dey inaad hada bilowdid inaad samaysato asxaab cusub. Asxaab cusub ma ah inaad fadhi ku dirirka iyo maqaaxiyaha aad dad cusub ka soo barato. Ka qaybgal tusaale ahaan bandhigyada ay sameeyaan hay’adaha waxbarashada, kuwa shaqada bixiya kooxaha cilmi baarista.

Sidoo kale Xasuusnow goobaha arimaha bulshada aad ku xirantahay (sosiale aktiviteter)waxay kaa caawinaysaa inaad barato bulsho cusub oo wanaagsan.

4) Shaqo walbo ha yaraato ama ha badnaato ha diidin (Frilans)

Qaar ka mid dadka shaqo doonka waxay ku fakaran inay kaliya ka shaqeeyaan shaqo waqti buuxda ah (fulltidsjobb), oo aysan qaadanin hadii ay helaan shaqo dhiman ( deltidsjobb) ama mid ku meel gaar ah (vikariat).

In adiga oo shaqeynaya aad shaqo kale heshid, ayaa ka fudud inaad shaqo heshid adoo banaanka ka joogo suuqa shaqada.  Inaad ka shaqaysa shaqo walba aad hesho intay doonto ha la ekaatee, ha yaraato ama ha badnaato, waxay kaa caawinaysaa inaad xirfadaada iyo Cv-gaagu uu qurux badnaado. Sidoo kale waxaad ka helaysaa kalsooni iyo niyadsami, maadaama aad tahay nin shaqeeyo, intey doonto ha noqotee. Waxaadna sidoo kale ka helaysaa wax xoogaa qarash ah, oo waxaa ku diiwangashan inaad tahay nin shaqeeyo. Jaanis Delltid iyo vikariat ah hadey kusoo maraan, ha sii deyn ee ku dhag. Intaad taas ka shaqeyneysana shaqooyinka kale sii baar.

5) Iska dhis oo ku xirnow internetka si joogto ah(Bygge en online tilstedeværelse)

Hadii ay kuu sahlantahay inaad isticmaashid internetka, ku xirnow aaladaha xiriirka bulshada, Sida facebooka,Twitter  iyo LinkedIn, cusboonaysiiso profillkaga. Raadi oo ku darso, lana soco shirkadaha aad jeceshahay inaad u shaqayso. sidoo kale ogow  oo lasoco waxay shirkadaas ay kaga hadlayaan baraha bulshada.

Ugu yaraan waxad ka barandoontaa arimaha ugu muhiimsan ay ka hadlaan,  si hadii ay shaqo ay ka banaanato aad u haysatid macluumaad kugu filan oo aad cadsigaaga ku qortid, Sidoo kale hadii interfiyuu kugu yeeran  waxaad ogtahay arimahooda oo dhan.

6) CV iyo Åpen søknad haku diyaarsanaadaan.

CV qurux badan oo hagaagsan iyo søknad meel ku diyaarso, si hadii jaanis shaqo uu soo baxo aad markiiba u geyso. Ogow badanaa shirkaduhu waxey akhriyaan oo waqtiga ugu badan galiyaan cv-yada ugu horeeyo oo qabtaan. Hadii iyada oo Fristiga uu ka dhimanyahay hal maalin, aad søknad boobsiis lagu qorey aad soo xareyso, waxey wiiqeysaa jaaniskaada helida shaqadaas. 

 

legg igjen kommentar/ ka dhiibo fikirkaaga

Bli den første som kommenterer/dhiibo fikirkaaga

Notify of
avatar
wpDiscuz