Qoraagii buuga ka qortay labada gabdhood ee soomaalida ah oo bilad la gudoonsiiyay

0
169

Åsne Seierstad oo ah qoraagii qortay buuga To Søstre ayaa la gudoonsiiyey bilada buuga ugu fiican buugaagta dhab ka-hadalka ah, ee soo baxey sanadkan 2016. Buugan To Søstre ayaa ah buug la qoray qisada labo gabdhood oo soomaali ah, kuwaas oo sadex sano kahor ka baxsaday wadankan Norway, una dhuuntay wadanka ay ka socdaan dagaalada sokeeye ee magaca diimeed huwan ee Siiriya.

Dhaxal sugtada boqorada Norway(Kronprinsesse) Mette-Marit ayaa Åsne Seierstad gudoonsiisay biladan. Waxaana lagu amaanay sida ay wax badan ugu ogaatay, banaankana u keentay waxyaabaha dhalinyarada ku dhaliyo iney doortaan iney u jihaad tagaan wadan ay dagaalo ka socdaan. 

Sidoo kale buugan ayaa ka hadlayo halganka uu aabaha dhaley labadan gabdhood u galey sidii uu gabdhahiisa dib ugu soo celin lahaa gurigooda oo kuyaalo degmada Bærum. 

Abwaan Sadiq Abdullahi Jama Gabyaaye oo ah aabaha dhaley labadan gabdhood , ayaa sida ku xusan buugan, dhowr mar naftiisa khatar u galiyey si uu gabdhihiisa uga dhaadhiciyo iney dib ugu soo noqdaan Norway.

Labadan gabdhood ee soomaaliyeed ayaa sida wali la rumeysanyahay joogo wadanka Siiriya, iyaga oo halkaas ku noqday xaasas leh labo ciyaal ah oo kala duwan. 

Xigasho/kilde: VG 

[adsenseyu2]

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments