onsdag, april 24, 2024

Halaga qeybqaato mudaaharaadka: Talo keena ama taladii la keeno raaca

Ururka Nye SOS rasisme ayaa qabanqaabiyey mudaaharaadkii ugu horeeyay ee looga soo horjeedo go-aanka dowlada ee ku saabsan dib u qiimeynta iyo dib u celinta dadka soomaaliyeed ee 1600 gaarayo. Waxaa mudaaharaadka la qabanqaabiyey ururka Somalisk Velferdforening iyo ururo kale oo ilaa 8 gaaraya oo isugu jira soomaali iyo cid kaleba.

Waxey aheyd go-aan lagu farxo in markii ugu horeysay arinta celinta soomaalida laga sameeyay mudaaharaad, balse taas ma dhicin oo waxaa markiiba bilowdey koox hoose iyo isku dayo la rabo in mudaaharaadka lagu joojiyo. Waxaana isku deygaas dabada ka riixayo qaar kamid ah horboodayaasha jaaliyada soomaaliyeed ee Norway, gaar ahaan Oslo.

Cadkanow hadaan ku calfan, ku ciideeyay:

Dadka mudaaharaadka kasoo horjeedo si hadii loo fiiriyo waa loo garaabi karaa, balse hadana waxey ilowsanyihiin ujeedada iyo culeyska arinta laga hadlayo. Waxa laga hadlayo waa qadiyada muwaadiniin soomaaliyeed oo ay kamid yihiin haween iyo caruur. Waxey aheyd in anagu ka jaaliyada soomaaliyeed ahaan aan mar hore is abaabulno oo mudaaharaad iyo wixii kale ee aan sameyn karno aan ku dhaqaaqno. Taas ma dhicin sababtoo, awalba ma aanan laheyn urur ama jaaliyad na mideysa oo howlahaas oo kale agaasinta. Ilaa hadana ma muuqato talaabo muuqato oo arintan ka jaaliyad ahaan aan wax uga qabeneyno, marka laga reebo kulamo gaar-gaar ah oo qaar kamid ah siyaasiyiinta ay yeesheen. 

Hadii howshi jaaliyada soomaaliyeed laga rabey ay soo agaasimeen urur kale, waxey aheyd inaan hogaanka iyo qabanqaabada mudaaharaadka aan anaga ka soomaali ahaan la wareegno oo aanan marti ku noqon. Taasna ma dhicin oo dadka qaarkood waxey ku andocoonayaan, maxaa anaga naloola tashan waayey markii horeba, maadaama aan nahey ilmo libaax san ka taabte.

Qaar kamid ah dadka mudaaharaadka kasoo horjeedo waxey leeyihiin howshan waa howl soomaali u taalo ee ajaaniibta faraha hakala baxaan. Anaga maxaa tuke canbaar leh naga dhigey mar walbe oo aan dadka isaga dhex-saareynaa?. Maxaase diidayo inaan mudaaharaadka ka qeybqaadano, wixii talaabo anaga gooni ahna, aan dhinaceeda ka wadano?

Marka koowaad, waxaa ceeb nagu ah ka jaaliyad ahaan in aan awoodi weynay in talaabo muuqato oo wadajir ah aan ka qaadno go-aanka dowlada ee ku aadan muwaadiniinta soomaaliyeed. Marka labaad waxaa ceeb taas kasii weyn ah inaan tafaaruruq iyo kala qeybsanaan kala hor tagno qof walba oo gacanta noo soo taaga. 

Sidaas darteed waxaan ku boorineynaa dhamaan dadka soomaaliyeed ee ku dhaqan Oslo iyo nawaaxigeeda iney sida ugu weyn uga soo qeybgalaan mudaaharaadka. Wixii 5000 qof ka yar waa sharaf dhac iyo talo xumo.

[adsenseyu2]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x