tirsdag, april 23, 2024

NRK oo qoraal 2 sadar ah ka qorey mudaaharaadkii Stavanger, balse indhaha ka qarsadey kii ka dhacay Oslo

Tv-ga qaranka Norway ee NRK ayaa qoraal labo sadar iyo bar ah ka qorey mudaaharaadkii lagu qabtey magaalada Stavanger, waxeyna sheegeen in mudaaharaadkiis ay kasoo qeybgaleen dad gaarayo 100 qof. Qeybta hoose ee qoraalka NRK, waxaa ku qoran in banaanbax noocaas oo kale ah uu ka dhacay Oslo!!.

Halkan ka akhri qoraalka kooban ee nrk uu ka qorey M. Stavanger.

2300 VS 100.

Qaar kamid ah dhalinyarada ka qeybgashey mudaaharaadka ka dhacey Stavanger, ayaa noo sheegay in dadka kasoo qeybgaley ay ahaayeen 180 qof iyo dheeraad. Balse aanba raacno tirada NRK ee ah 100-ka qof.  Banaanbaxa Oslo ayaa waxaa kasoo qeybgaley dad gaarayo qiyaas ahaan 2300 oo qof, balse tv-ga qaranka Norway ee NRK, hal-marna masoo hadalqaadin in Oslo uu mudaaharaad sidaas u weyn uu ka dhacay. 

NRK-kaliya ma ahane, dhamaan Media-yaha Norway ma jirin hal web ama tv oo wax ka qorey mudaaharaadyadaas baaxadaha weyn ee  maanta ka kala dhacey magaalooyinka Oslo iyo Stavanger. NRK ayaaba ugu roonaa ee labo sadar xitaa xar-xariiqey.

Mudaaharaadka Oslo ka dhacey ma aheyn mid qarsoomi karey, ama xitaa la inkiri karey. Waxey mudaaharayaaasha oo gaaraya 2300 socod ka soo bilaabeen Grønland ilaa ay ka tageen xarunta baarlamaanka ee Stortinget. Inta badan wadooyinka halbowlaha ah ee Oslo ayaa xirnaa mudo 15 daqiiqo ku dhawaad ah, si loo kala ilaaliyo dadka mudaaharaadka kasoo qeybgaley iyo baabuurta wadada marayey. 

Waxaan xiriir la sameynay labadii urur ee lahaa qabanqaabada mudaaharaadka, waxaana weydiiney iney casuumeen saxaafada iyo wargeysyada waaweyn ee Norway. Waxey noo sheegeen iney ku wargaliyeen in mudaaharaad uu ka dhacayo Oslo, waxeyna hadalkooda raaciyeen in media-yaha wadanka aysan ayagu ku qasbi karin iney wax qoraan mudaaharaadyada, balse ay guteen howshoodii casuumaada iyo ku wargelinta. 

Hadii NRK ay doorbideen iney labo sadar iyo bar ay ka qoraan labo mudaaharaad ay kasoo qeybgaleen isku dar 2500 qof, hadana ay inkireen kii weynaa ee Oslo ka dhacayey, waxaa la dhihi karaa in warbaahinta Norwey aysan dan iyo heelo toona ka laheyn arimaha quseeyo ajaaniibta.

Ka waran hadii qof soomaali ah uu caawa khalad ama dhibaato yar sameyn lahaa , NRK iyo warbaahinta kale maka aamusi lahaa mise qeybta koowaad ayey kusoo qaadan lahaayeen?..

[adsenseyu2]

 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x