torsdag, april 18, 2024

Mudaaharaadkii ay siyaasiniinta qaar sheegeen iney qabanqaabin doonaan oo baaqdey

Maalmo kadib markii uu qabsoomey mudaaharaadkii weynaa ee Oslo ka dhacay, ayaa waxaa markiiba istaagay qaar kamid ah siyaasiyiinta soomaaliyeed ee Norway. kuwaas oo sheegay iney qabanqaabin doonaan mudaaharaadyo kaas ka weyn, oo isku mar ka dhaca magaalooyinka waaweyn ee wadanka.

Sida la sheegay waxaa lagu balansanaa in banaanbaxaas la qabto 25 bishan aan kujirno ee November oo ku aadaneyd jimcihii lasoo dhaafey. Waxaana la rabey inuu isku mar ka dhaco magaalooyinka Oslo, Bergen, Trondheim(inta aan xaqiijiney) iyo magaalooyin kale.

Jaaliyada soomaaliyeed ee Bergen ayaa kulan ay qabteen bilowgii bishan ku sheegay, iney diyaariyeen gudi howleed u xilsaaran qabanqaabada banaanbaxa Bergen. 

Waxaan xiriir la sameyney qaar kamid ah xildhibaanadii howsha wadey, waxeyna noo sheegeen in cilado jiro owgood aysan u suurtagalin inuu banaanbaxaas u dhaco, ayna sugi doonaan inta laga dhamaanayo wada-xaajoodyada ku saabsan miisaaniyad sanadeedka dowlada ee sanadka 2017. 

Waxaan wax ka weydiiney goorta ay rabaan iney qabtaan banaanbaxaas.  Waxey sheegeen iney rajeynayaan inuu qabsoomo bilowga sanadka soo socdo ee 2017, ayna ku aadin doonaan maalin shaqo, cimaladuna ay qoraxeysantahay. Sidoo kale waxey sheegeen iney ka wardhowri doonaan jawaabta dowlada Norway ee ku aadan warqada codsiga qaramada midoobey.

Isku soo wada duuboo waxaan suurtogalin in banaanbaxaas la sheegay in la qaban doono uu dhaco, waxaana sida muuqata cilada ugu weyn ay ka timid siyaasiyiintii howsha iclaamiyey oo gaabis uu ku yimid. 

[adsenseyu2]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x