Mohamed Warsame oo lagu darey liiska musharaxiinta baarlamaanka xisbiga Ap ee Østfold

0
131
Mohamed Warsame iyo Jens Stoltenberg. Foto: Privat(Facebook)

Mohamed Warsame oo ah xildhibaan katirsan golaha deegaanka ee magaalada Fredrikstad, ayaa lagu darey liiska musharaxiinta baarlamaanka uga tartami doono xisbiga Ap, gobalka Østfold. Waxuuna Mohamed uu kujiraa booska 11-aad.

 

Gobolka Østfold ayaa waxaa sanadkan ka jirey tartan adag oo ku aadan qofkii heli lahaa booska koowaad ee liiska musharaxiinta. Duqii hore ee degmada Marker, ahna xildhibaan hada katirsan baarlamaanka Norway, ayaana loo gartey booska koowaad. 

Xisbiga Ap ayaa sadex xildhibaan ku leh sagaalka xildhibaanka ee baarlamaanka kasoo gala gobalkaas. Waxeyna sheegeen iney sanadkan ku dadaali doonaan iney shan xildhibaan ku lahaadaan sagaalka xildhibaan ee gobalku uu ku leeyahay kuraasta baarlamaanka.

Maadaama Mohamed Warsame la galiyey boos danbe oo 11-aad ah, jaaniskiisa soo galitaanka baarlamaanka waa mid aad u yar, hadii aysan wax isbadalin. Balse waxaa xusid mudan in ay tahay markii ugu horeysay ee taariikhda qof soomaali ah uu tartan u galo kursi baarlamaan gobalkaas Østfold(inta aan ognahay). Waxaana gobalkaas kunool jaaliyad soomaaliyeed oo aad u badan. 

[adsenseyu2]

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments