Maqaalkaan waa jawaabtii maqaalkii la magacbaxay Fariidnimada reer Oslo, iyo Fadhiidnimada Jaaliyada Bergen. Halkan ka akhri maqaalkaas, hadii aadan horey u akhrin.


Ugu horreyntii cinwaanka maqaalka Bile Baastey, wuxuu la yimid tilmaan qaldan oo ah in bulshada Bergen lugu tilmaamo fadhiid, taasi waa wax laga xumaado. Bulshada Soomaaliyeed ee magaalada Bergen, waa bulsho firfircoon, oo wax garad iyo wax qabad leh, waxaana sanadahaan dambe ka jirey dhaqdhaaqyo wanaagsan. Ururka jaaliyada Bergen waa mid ka mid ah ururada ka jira magaalada Bergen, ma aha ururka kaliya ee ka jira magaalada Bergen. Ururku wax qabad badan ayuu leeyahay, gaar ahaan caawinaada dadka soomaaliyeed, ayaga oo ka caawiyo wixii la xiriira hay’adaha dowlada, side Barnevernet iyo Udi iyo Bergen kommune.

Qoraaga maqaalaka ee Bile Baasteey, waxaa la gudbooneed inoo hogaanka jaaliyada Bergen weydiiyo wixii su’aalo ah, si uu arrinka dhinacyadiisa kala duwan si cadaalad leh xog uga helo. Uusana ku deg degin hal aragti kaliya inuu soo gudbiyo, taas oo keeni karto qalad xirfadeed iyo aqoon yari.

Sida caadiga ah ururada bulshada, waxaa hogaankooda loo xilsaarey ineey daboolaan baahida bulshada soo dooratey. Hab ushaqeeynta ururada ayaa ah siyaabo kala duwan, oo u kala baxa waxqabad guud (bulshada oo dhan) iyo waxqabad gaar ah (qof in lagala shaqeeyo arrin shaqsi ah).

Jaaliyadu shaqada ay qabato, ayaa sidoo kale u kala baxa mid gaar ah oo ku saleysan qofka xubinta ka ah jaaliyada dhibaatooyinka heysta iyo shaqa guud oo ku saabsan wacyigelin guud.

Go’aanada dambe ee ka soo baxey dowlada Norway, waxey saameeyeen dad badan oo soomaali ah, oo ku nool magaalada Bergen. Dadkaas oo intooda badan la soo xiriirey jaaliyada, ayaga oo doonaya caawinaad gaar ah iyo garab.

Ma isku dayey qoraagu in qofka cabashada qaba, oo daneynaya in la caawiyo, uu ku guubaabiyo la xiriirka jaaliyada sidoo caawinaad u helo?

Jaaliyada soomaaliyeed ee magaalada Bergen, ayaa sidoo halkan ka cadeynayo iney doorkeeda ku garab siiyeen dadka la soo xiriirey, ayna u qabtee waxii ay awood u leheed. Kuwana ay kala talisey ineey la xiriir la sameeyaan qareen. Arrimha noocaas ah iyo caawimaadka shaqsiyeedka, ma aha mid la shaacin karo ama sharciga ayaan noo saamaxeyn inaan ka hadalno, sababtoo ah waxey soo galaan sharciga ah (Taushetsplikt). 

Wax qabadyada kale ee jaaliyada, waxaa ka lugu soo bandhigayaa kulan sanaddeedka jaaliyada, taasna ma ahan mid maqaal in lagu soo bandhigo ku haboon. Qodobka kale oo muhiimka ah, ee aan dooneyno inaa halkaan ku xusno ayaa ah, iney 6 xubnood oo hogganka ah kaliya eysan dabooli Karin baahida bulsho ka kooban qiyaastii 1700 oo qof. Oo qasab ay nugu tahay inaa sameyno kala shaandheyn shaqada oo arrimaha muhiimka ah ee dadka nala soo xiriiro quseeya aa culeyska saarno.

Waxey kalee taas cadeyneysaa, qof walba oo ka tirsan bulshada in looga baahanyahay inoo la garab istaago jaaliyada arrimaha ee u soo xil saarto, ama ee ka codsoto iyadoo loo daneeynaayo baahida bulshada.

Dhibaatooyinka ee Jaaliyada Soomaaliyeed ee Bergen la kulantey, waxaa ugu weynaa isla markaasna ugu xanuun badnaa, ineey dadka qaar ka dalbadaan jaaliyada ineey lacag ku siiso shaqada ee bulshadooda u qabanayaan. Jaaliyada waxeey shaqadeeda oo dhan ku saleeysantahay iskaa wax u qabso, xubnaheedana lacag kama qaado, mushaar na ma bixiso.

 Halkaan waxaa ku xusayaa waajibaadka saaran, waxgaradka bulshada soomaaliyeed, iyo ineysan bulshadooda ka hagranin xoogooda, ee si daacad ah wax ugu qabtaan dadkooda. Iyaga oo aan ka fiirineyn dan gaar ah u qarsan.

 Qore: Hogaanka jaaliada Somaaliyeed ee Bergen.


FG: Fikirka, aragtida maqaalada iyo qormooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha maqaalada ama qormooyinka. 

legg igjen kommentar/ ka dhiibo fikirkaaga

Bli den første som kommenterer/dhiibo fikirkaaga

Notify of
avatar
wpDiscuz