fredag, mars 29, 2024

Listhaug: 9000 qof oo sharci la´aan ah ayaan wadanka ka saareynaa sanadkan

Wasiirada arimaha soo galootiga iyo isdhexgalka bulshada Sylvi Listhaug, ayaa sheegtay iney dowladu rabto iney 9000 qof oo sharci la´aan ah ay wadanka ka saarto sanadkan aan kujirno ee 2016. Tiradaas oo ah noqon doonto tiradii ugu badneyd oo dad sharci la´aan ah ee abid wadanka laga saaro. 

TV2 ayaa warbixin muuqaal ah ka diyaariyey wasiirad Listhaug oo la socoto booliska Norway, qeybta u qaabilsan ajaaniibta, kuwaas oo baaritaan ku sameynayo maqaaxiyo iyo dukaamo ay leeyihiin ajaaniib, iyo waliba meelaha lagu dhaqo baabuurta, iyaga oo baadi-goobaya dad sharci la´aan ah.(Hoos ka daawo muuqaalka). 

Ma ahan markii ugu horeysay ee muuqaal laga diyaariyo booliska Norway oo baadi goobaya dad sharci la´aan oo ay wadanka ka saaraan, balse arinta cusub ayaa ah in wasiirad dowladeed ay ka qeybqaadato howlgal lagu raadinayo dad sharci la´aan ah. Arintaas oo ilaa shaley aad looga hadalhayey warbaahinta Norway iyo baraha bulshada, sida Facebooga. 

Listhaug ayaa sheegtay iney rabtey iney indhaheeda kusoo aragto sida ay qeybta booliska ee qaabilsan ajaaniibta u shaqeeyaan. Iyada oo raacisay iney rabto iney rabtey iney tagto goobaha ay wax dhacayaan, intii ay xafiiska kusoo xirnaan laheyd. 

Arinta la yaabka noqotay ayaa ah in boolisku oo ay weheliso Listhaug, ay si kadis ah u galayeen dukaamo ganacsi iyo maqaaxiyo furan, kuwaas oo ay leeyihin dad ajaaniib ah, iyaga oo sharci weydiinaya dad ka shaqeynaya halkaas. Waxaana muuqatay in inta badan dadkii sharciga la weydiiyey ay ahaayeen dad sharci wadanka ku joogo/leh. 

Sylvi Listhaug ayaa sheegtay iney rabto iney sanadkan dhigaan rekord cusub oo ku saabsan dadka sharci la´aanta ah ee wadanka laga saarey. waxeyna sheegtay in dowladu ay rabto in 9000 oo qof iyo ka badanba ay wadanka ka saaraan. 

1385102Ingebrigt Steen Jensen oo ah qoraa iyo xayeysiin sameeye caan ka ah wadankan, ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay in wasiirad dhan oo dowladeed laga duubo muuqaal, iyada oo la socoto boolis howlgal sameynaya, kuwaas oo raadinaya dad sharci la´ aan ah oo ay wadanka uga saaraan.

Wuxuuna sheegay in Listhaug ay dhaaftay xadka anshaxa u dagsan wasiirada dowladeed, ayna ku kacday fal uusan qof wasiir ah horey u sameynin. Wuxuu sidoo kale ku tilmaamey falka Listhaug, mid ah ii dheh iyo xayeysiin ay dadka isku tusineyso iney wax qabaneyso. 

Ingebrigt oo qorey buugaag aad u badan oo kuwa anshaxa ah, ayaa sheegay in arintan ay soo xasuusineyso xiligii dowladii Naziga Germany ee 1930-kii. 

Arinta kale ee layaabka ah ayaa noqotay in dad badan ay taageero u muujiyeen muuqaalka Listhaug, iyaga la dhacsan falka ay baaritaanka ku sameynayaan dukaamada iyo maqaaxiyaha ajaaniibta. Waxaana facebooga TV2 laga dheehan karey sida ay Listhaug u taageerayaan, iyagoo ku qorayo: Howl fiican ayaad heysaa, waligey wasiir adiga oo kale nama soo marin, Horey u soco Listhaug, IWM. 

Ingebrigt ayaa sheegay in talaabadaas Listhaug iyo taageerada dadka ay tahay mid muujineyso in wadanku uu ku socdo wado khaldan, isla markaana uu ka baqayo in dadku ay labo dhinac oo caadifeysan u kala jabaan. 

 

Xigasho/Kilde: TV2(muuqaalka Lishtaug), TV2(Ingebrigt).

[adsenseyu2]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x