fredag, mars 29, 2024

KRF oo isaga baxey wadahalada oo Erna Solberg oo xaalka kusii ciirey

Xisbiga KRF ayaa shir ay yeesheen saacad kahor ku cadeeyay iney isaga baxeen wadahadalada ku saabsan miisaaniyada sanadka 2017. Shirkan oo ka qeybgaleen gudoomiyayaasha iyo dadka ay ka go´do talada xisbiga ayaa isku raacey iney wadahadal lasii wadi karin dowlada, iyaga oo ka codsadey dowlada iney la yimaadaan xal lagu sixi karo miisaaniyada sanadka 2017.

Gudoomiyaha KRF Knut Arild ayaa sheegay iney wali rabaan iney lasii shaqeeyaan dowlada, hadii ay la timaado miisaaniyad qancisa oo ay taageero siin karaan. 

Xisbiga kale ee Venstre ayaa shaley isaga baxey wadahadalada, iyaga oo sheegay ineysan kusoo noqon doonin miiska wadahadalka ilaa wax laga badalayo qodobada la isku heysto.Gudoomiyaha Venstre ayaa aad usoo dhaweysay talaabada KRF ee ka bixitaanka wadahalada.

5 maalin oo kaliya ayaa ka dhiman xiligii kama danbeysta ahaa ee la rabey in miisaaniyada la horkeeno baarlamaanka, walina ma muuqato wax ay xisbiyadu isku afgarteen. Erna Solberg ayaa xaley shir la yeelatay gudoomiyaha xisbiga FRP Siv Jensen, lama oga waxa ay uga wada hadleen shirkaas.

Reysulwasaare Erna Solberg ayaa hada kujirto xaalad cakiran, waxeyna u muuqataa iney lumin doonto talada iyo awooda dowlada. Erna ayaa lagu wadaa iney khudbad ku saabsan miisaaniyada siiso saxaafada daqiiqado kadib.

Gudoomiyaha baarlamaanka Norway ayaa sheegay inuu isku diyaariyey inuu soo faragaliyo arinta ku saabsan miisaaniyada, hadii ay xisbiyadu xal gaari waayaan shanta maalin ee soo socoto. 

Isku soo wada duuboo xaalada dowlada ay hogaamiso Erna ayaa mareyso meel allow sahal ah, maadaama ay miisaaniyada qaadaceen labada xisbi ee dowlada taageeri jiray, isla markaana kursiga ku hayey. 

[adsenseyu2]

 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x