lørdag, april 20, 2024

Hey-ad norwiiji ah oo 23 milyan oo dollar ah ku qaadatey, mashruucyo yar-yar oo Soomaaliya ay ka fulisey

Wargeyska ka warama arimaha dhaqaalaha ee Dagens Næringensliv, ayaa maalintii shaley aheyd soo saarey liiska hey-adaha iyo shirkadaha lacagta mucaawinada ah sanadkii 2015 ka helay, wasaarada arimaha dibada ee dalkan Norway.

Liiskan oo ay kujireen hey-ado boqolaal gaarayo, ayaa waxaa kujiro hey-ad lagu lagu magacaabo Nordic International Support Foundation. Taas oo lacag 35,4 milyan (NOK)  ah ku heshay mashruucyo ay ka fulisay Soomaaliya. Waxaana mashruucyadaas kamid ah xirista nalalka sollarka ah(cad-ceeda ku shaqeeyo) lagu xirey qaar kamid ah magaalooyinka Soomaaliya. Waxaana sidoo kale la sheegay iney dib u dhis ku sameeyeen wadooyinka muhiimka ah ee isku xira dalka, iyo qaar kamid ah dhismayaasha burburey ee xafiisyada dowlada. 

Hey-adan ayaa sida ku qoran bogooda internetka, ah mid kheyri ah oo aan aheyn hey-ad ganacsi. Waxeyna hada gacanta ku hayaan mashruucyo aad u badan oo ka socda qaar  kamid ah gobalada soomaaliya iyo caasimada Muqdisho. 

Sida ku qoran bogooda internetka, waxey hada gacanta ku hayaan mashruucyo ay ugu waaweynyihiin:

  1. Xirista 2500 nalal sollar ah, oo laga fuliyo 16 degmooyin oo ku yaalo Soomaaliya iyo wadanka Maali. 

  2. Iney koronto sollar ah ku xiraan 8 isbitaal oo kuyaalo 5 magaalo ah oo Soomaaliya ah.

  3. Dib u dhiska 8 dhisme dowladeed oo Soomaaliya gudaheeda ah.

  4. Dayactirka 4 wado iyo 2 buundo oo kuyaalo Soomaaliya.

Hey-adan ayaa dhaqaale ka hesho hey-ado iyo dowlada badan oo caalamka ah. Waxaana markaan xisaabiney noo soo baxdey, in hey-adan mashruucyo ay Soomaaliya ka fulisay, isku dar ku ay qaadatey lacag kor u dhaafeyso 23 milyan oo dollarka mareykanka ah.  

Hadaad isku fiiriso mashruucyada ay hey-adan sheegtay iney ka fuliso Soomaaliya, iyo lacagta ay ku qaataan fulinta mashruucyadaas, waxaa markiiba kuusoo baxayo inuu jiro farqi weyn oo u dhaxeeyo qarashka lagu qaatey fulinta mashruuca iyo inta uu le-egyahay mashruucaas. 

-Tusaale ahaan: Mashruucyada hey-adan ay sheegtay iney ka fulisay Soomaaliya, waxaa kamid ah xirista 50 nal oo kuwa cad-cadeeda ku shaqeeyo ah, kuwaas oo lagu xirey wadada Maka al mukarama ee magaalada Muqdisho. Qarashka ku baxdey xirista 50-kaas nal, waxaa ku qoran iney tahay 5 milyan oo NOK. 50 nal vs 5 milyan? halkii nalba wuxuu ku fadhiyaa lacag dhan 100.000 NOK.

-Sidoo kale waxaa mashruucyada ay hey-adan ka fulisey Soomaaliya kamid ah, dayactirka iyo xirista koronto sollar ah, lagu xirey xarunta dowlada ee Villa Somalia. Lacagta ku baxdey xirista nalalkan ee Villa Somalia waxey gaareysaa 8 milyan NOK.

-253 nal oo kuwa cad-ceeda ah oo ay hey-adan sheegtay iney ku xirtey magaalada Gaalkacyo, ayaa waxaa ku qoran iney ku baxdey lacag 6,106,000 NOK gaareyso. 253 nal vs lix milyan?

-Labo mashruuc oo aad u yar, oo hey-adan ay ka fulisay degmada Waajid ee gobalka bokool, ayey ku qaadatey lacag dhan: 617,670 dollar.

1.3 km oo wado ah, taas oo dayactir lagu sameeyey magaalada Beledweyne, ayey hey-adan sheegtay iney ku baxdey lacag dhan 665,000. halkii mitirba waxaa ku baxdey 512 dollar.?

Hey-adan ayaa xafiis ku leh magaalada Muqdisho, waxaana halkaas u fadhiyo Kasim Gabow Du´aale, oo kamid ah aqoonyahada jaaliyada soomaaliyeed ee Norway. Waxaan isku daynay inaan xiriir la sameyno Kasim, si aan wax uga weydiino hey-adan iyo mashrucyadaas faraha ee Soomaaliya ay ka wado. balse nooma suurtolagalin inaan helno. 

Hey-adan ayaa sidoo kale mashruucyo kal fuliso wado wadamada Maali iyo Myanmar(ex-Burma). Waxaana u qoran iney isku dar u shaqeeyaan 70 shaqaale ah. 

Yaa kontroll gareeyo mashruucyada hey-adan:

Shaki kuma jiro in hey-adan ay mashruucyo badan oo faa´ iido leh ay ka wado Soomaaliya, sida xirista nalal cad-ceeda oo qeyb weyn ka qaato xasilinta amaanka iyo isu socoshada bulshada kunool magaalooyinka lagu xirey.

Sidoo kale waxaa muuqdo in hey-adan ay qabaneyso mashruucyo badan oo looga baahna dowlada federaalka ama dowlad goboleedyada iney qabtaan. 

Su-aasha isweydiinta mudan ayaa ah: Hey-adan kheyr qabtada ah iyo hey-daha kaleba, yaa kontroll ku sameeyo in mashruucyada magaca soomaaliya lagu soo qaato, ay u fulaan sidii loogu talo galey?. Mise sheekadu waa: adaa moogow hurdee, maqane joogaa tahee, Soomaaliya waa Mashruuc(Heesti wasiir Beyle)

[adsenseyu2]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x