Dowlada Norway oo 100 milyan NOK ugu deeqday hey´ada norwiiji ah oo ka howlgasha Soomaaliya

0
218
Kassim Gabowduale: Agaasimaha hey´ada NIS ee Soomaaliya Foto: Privat(facebook)

14-kii bishan November ayaan soo qorney warbixin aan ugu hadleyno hey´ad norwiiji ah, oo mashaariic ay gudaha Soomaaliya ka fuliso, ku qaadatey lacag kor u dhaafeyso 23 milyan oo dollar. Hey´adan oo lagu magacaabo Nordic International Support Foundation(NIS), ayaa wali gacanta ku heyso mashaariic tobanaan gaarayo oo laga fulinayo wadanka Soomaaliya, gaar ahaan gobalada koonfurta, bartamaha iyo qeybo kamid ah woqooyi bari.

Halkan ka akhriso warbixintii aan ka qorney NIS iyo  mashaariicda ay Soomaaliya ka fuliso. 

Waxaan wareysi la yeelanay Qaasim Gaabow Ducaale oo ah agaasimaha hey´ada NIS, xafiiskeeda Soomaaliya. Wareysigaas oo aan dhawaan soo galin doono, ayaad ku ogaan doontaan macluumaad badan oo ku saabsan hey´adan iyo mashaariicda ay ka fuliso gudaha Soomaaliya.

Sida uu Qaasim Ducaale noo sheegay, waxey NIS dhawaantan heshay lacag gaareyso 100 milyan oo lacagta norwiijiga ah(NOK). Lacagtaas oo  sadexda sano ee soo socoto, ay mashaariic ugu fulin doonaan gudaha Soomaaliya. Wuxuuna Kaasim hadalkiisa raaciyey , in mashaariicdaas ay kala shaqeyn doonaan wasaarada qorsheynta iyo xiriirka caalamiga ah ee dowlada Soomaaliya. 

Hey´ada NIS ayaa waxaa bilowgeedii wax ka aas´aasey Jensens Mjaugedal,  oo hada ah ergeyga gaarka ah ee dowlada Norway u qaabilsan arimaha Soomaaliya.

Jens ayaa intuu uusan noqon ergeyga gaarka ee dowlada Norway, ahaa madaxa hey´adan NIS oo mashaariic ka fulin jirtey gudaha Soomaaliya. Lacagta ugu badan oo hey´adan mashaariicda ugu fuliso Soomaaliya, waxey ka heshaa dowlada Norway.

Sida uu agaasimaha xafiiska NIS ee Soomaaliya wareysigan noogu sheegay, Jens Mjaugedal wax saameyn ama gacan ah kuma lahan mashaariicda ay hey´adan ka fuliso Soomaaliya.  

Halka ka daawo wareysiga

[adsenseyu2]

 

 

 

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments