fredag, april 26, 2024

Abdullahi Alason oo kamid noqday musharaxiinta baarlamaanka xisbiga Ap Vest-Agder

Siyaasiga Abdullahi Alason oo kamid ah xildhibaanada golaha deegaanka ee magaalada Kristiansand, ayaa kasoo dhex muuqday liiska musharaxiinta xisbiga Ap uga tartami doono gobalka Vest-Agder, doorashada 2017. 

Alason ayaa kamid noqdey liiska 12 musharax oo gudiga xulista musharaxiinta xisbiga Ap ee gobalkaas,  ay u doorteen iney u istaagaan doorashada baarlamaan ee socoto. Waxaana Allason uu kujiraa booska 8-aad.

Xisbiga Ap ayaa hal xildhibaan oo qura kuleh kuraasta shanta xildhibaan ee baarlamaanka kasoo galo gobalkaas Vest-Agder, oo ay caasimad u tahay magaalada Kristiansand.

Horey ayaa loo saadaalinayay in Abdullahi Alason uu kamid noqon doono musharaxiinta baarlamaanka ee gobalkaas, maadaama uu Alason yahay mid kamid ah siyaasiyiinta ajnabiga ah ee Vest-Agder ugu cad cad. Waxaana la filayay in Allason la galiyo boosaska hore ee jaaniska fiican leh, balse hada waxey u muuqataa in Allason loo doortey booska 8-aad, oo jaaniskuu uu yahay mid aad u yar(Hadii uusan isbadal dhicin).

Abdullahi Alason ayaa noqon doono musharaxii ugu horeeyay ee soomaali ah ee gobalkaas uga tartamo xildhibaan baarlamaan. 

Xisbiga Ap ayaa sanadkan liiska musharaxiinta baarlamaanka soo galiyey dhowr qof oo soomaali ah, waxaana kamid ah Mohamed Warsame uu kujiro liiska musharaxiinta baarlamaanka xisbiga Ap, ee gobalka Østfold. Sidoo kale Fawzi Warsame oo ah wiil dhalinyaro soomaali ah, ayaa kujiro booska 19-aad ee musharaxiinta xisbiga Ap ee magaalada Oslo. 

Stavanger qofna kama soo bixin:

Magaalada Stavanger iyo gobalka Rogaand , waxaa kunool jaaliyad soomaaliyeed oo aad u balaaran. Waxaana xubnaha golaha deegaanka ee magaalada Stavanger kamid ah sadex xildhibaan oo soomaali ah, oo dhamaantood kawada tirsan xisbiga shaqaalaha ee Ap.

Musharaxiinta baarlamaanka ee xisbiga Ap, laguma soo darin siyaasi soomaali ah. Waxaa xusid mudan in musharaxa koowaad ee baarlamaanka gobalkaas u tartami doonto xisbiga Ap, ay tahay gabar asalkeedu Pakistani yahay oo lagu magacaabo Hadia Tajik. Waxeyna gabadhan horey usoo noqotay wasiirka dhaqanka ee wadankan Norwey, iyada oo hadana ah gudoomiye ku xigeenka 2-aad ee xisbiga Ap. 

[adsenseyu2]

 

 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x