fredag, mars 29, 2024

Warbixin ku saabsan shirkii isdhexgalka iyo ka qeybqaadashada Soomaalida ee shirkaas

Warbixintan waxaa nala wadaagey Maxamed Abdi Mohamed(OPIL) oo ah madaxa ururka Somalisk Nord Forening. 


Hordhac: Waxaa sannadkii 3aad Oslo lagu qabtey shir u dhexeeya Ajaanibka dalka ku nool iyo dawlada dalka ka talisa ee wadaaga ah. Shirarka noocan ah waxa la bilaabay intii ay dawladan cusub dalka ka talinaysey kadib markii ay meesha ka saartey dalladii KIM ee ay abuurtey dawladii bidixda ahayd ee dalka ka talinjirtey ka hor 2013.

Ajandayaasha shirarkan waxaa lagu sii diyaaraa shirar hordhac ah oo ka kala dhaca gobolada dalka qaarkood oo ay qabato haayada IMDI intaan la gaadhin wakhtiga xagaaga sannad kasta. Sannadkan waxaa lagu qabtey shirarkaas Kristiansand 3. mai, Bergen 24. mai, Oslo 15. mai, Gjøvik 28. mai, Tromsø 4. juni og Trondheim 16. juni.

Shirkan waxaa sannad walba furta oo kasoo qeyb gasha Raysal wasaaraha waxaana ugu yaraan kasoo qeyb gala wasiiro gaadhaya 10 iyo saraakiil sar-sare oo ka kala socda EU iyo Qaramada midoobay iyo weliba hay´adaha kala gedisan oo Norway ka howgala. Sannadkan 2016 wuxuu kaga duwanaa sannadihii hore in Siyaasadii guud ee dawladu ee ku saabsanayd ajaanibka ay is bedeshay isla markaana sharciyo badan oo ajaanibka ku saabsan qaarkood la dhaqan geliyey qaarkoodna iminka la diyaarinayo dhamaantoodna si toos ah iyo si dadban u saamaynaya Somalida ku nool dalka.

Waxaan Magaalada Oslo imid maalintii ka horeysay maalintuu shirku bilaabmayey waxaan sii degey Hotel kii uu shirku ka qabsoomayo waxaan usii diyaar garoobay Parallellsesjon 4 oo aan kula qornaa Wasiirada Soogalootiga iyo is dhexgelka u qaabilsan dalka. Dadka somalida ah oo lagu qiyaaso dadka ugu badan ee dalka degen ee kusoo xiga Norsk isla markaana ah dadka ugu badan ee ay saamaysey Siyaasada dalka ka socotaa ayaan si muuqata uga soo qeybgelin shirka.

Waxaan cunto ka doontey maqaaxi istanbul oo ku taala suuqa somalida waxaan sidoo kale is idhi bal inaad la kulanto somali shirka hadal haysa ama ku socota aad ka wada sheekaysataan waxaad shirka la tagtaan. Nasiibdaro kooxdii ugu horeysay aan la kulmo waxay hayeen dood ku saabsan doorashada somaliya ka socota.

Oslo waa magaalada ay ugu badan tahay Somalidu waana meesha laga soo qaato sawirada ugu xun xun ee somalida ku saabsan. Sannadkii hore 2015 waxaan ku arkey shirka dhawr qof ee reer Oslo ah isla markaana aan ka xusi karo Atlaskompetanse oo sawir wacan u ah somali badan.

Waxaad qiyaastaa markaa ku jirto hall 100 qof ku jiraan qof walibana sugaayo in microphone mar loo dhiibo fursada ku jirta markaad keligaa aad tahay iyo fursada ku jirta markaad 10 Somali ah aad 1 work shop ku jirtaan. Waxaa xusid mudan in somali ka gobolada ka kala yimid ay shirka joogeen laakiin 4 work shop marka konferanse loo qeybiyo waxaa laga yaabaa in qofba mid keligii ku noqdo. Waxaad qiyaastaa marka 4 qof oo ka socda qawmiyada Nepal aad ogtihiin intay dalka ku joogaan aad adiguna noqoto 1 qof hadana aad ogtahay inta somali dalka degen weliba magaladan uu shirku ka dhacayo.

Hadii laga tegi waayo waxaan ku arkay wax somali ah kadra yusuf gabadh lagu magacaabo oo aan filayo inaanay metelin Somalida Oslo, laakiin hadii aad iman weydo oo aad hadli waydo waa lagu hadlayaa taas baa run ah. Waxaan jeclahay inaan xuso Ogaden velferd Forening oo sannadkii labaad kasoo qeyb galay shirka fariintoodana gudbiyey.

Dhinac kale markaad wax ka eegto Somali badan oo dalka si ku meel gaadh ah ku joogtey ayaa maanta ay u heshiiyeen Dawlada Somaliya iyo dawladan Norway ka talisa.soomaalida wadanka ku cusub waxay gacan ka sugayaan walaalahooda dalka uga soo horeeyey. Saaxiib maxaa kuu baxay ? Mise xaaladu waa qof waliba ha sugo maalinta loo yimaado?

 

Su-aal maxaa sababa in soomaalidu ay aad ugu mashquulsantahay siyaasada iyo waxyaabaha ka socdo Soomaaliya iyo geeska Afrika, ayna ka maqanyihiin goleyaasha looga hadlayo arimo saameyn ku leh noloshooda halkan?

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x